Home WARARKA Fiqi oo u jawaabay Sanbaloolshe: Inuu noolyahay ayaa naxariis ah

Fiqi oo u jawaabay Sanbaloolshe: Inuu noolyahay ayaa naxariis ah

4
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul ugu jawaabay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xalay weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Sanbaloolshe ayaa weerarkii lagu qaaday isaga iyo Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ku eedeeyay inuu amray Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana la rabay in la dilo, sida uu hadaka u dhigay.
Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay in uu aarsan doono, isla markaana uusan cafin doonin weerarka lagu beegsaday, illaa inta laga bixinayo garowshiyo.

“Wallaahi Bilalahi Tallaahi inaanan loo cafineynin 100-ka sano ee soo socda haddii aanan la’isaga garaabin oo aan laga Towbad keenin oo aanan laga heshiin aniga nimaan ahay weligey ma cafinaayo,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Wuxuu rabay in meesha nagula baaba’sho 100% isaga ayaa amarka baxshay taleefankana waa dansaday”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Sanbaloolshe iyo nimanka kale ee mucaaradka ay doonayeen in la gubo Muqdisho, balse isku daygoodii laga hortegay, sida uu ku dooday.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale xusay in nimanka sidaas sameeyay la fasaxay, isla markaana ay weli sii doodayaan, sida in dhib loo gaystay oo kale.

“Ninka madfaca kusoo riday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wuxuu leeyahay waa lay soo weeraray ninka haamaha shidaalka dekedda rabay inuu gubo oo 10 mitir u jirsaday hoobihii uu riday haamaha magaalada oo dhan gubi lahaa ayaa wuxuu leeyahay waa lay dili rabay weligey ma cafinayo inuu noolyahay ayaa naxariis ah oo weliba la fasaxay,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hadalkan ayaa daba socda is weerarka dhanka baraha bulshada ee muxaafadka iyo mucaaradka oo dhawaan dagaal toos ah uu ku dhex-mara xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here