Home WARARKA Ganacsatada Baydhabo oo lagu amray in la isticmaalo Lacagta Shillin Soomaaliga ah

Ganacsatada Baydhabo oo lagu amray in la isticmaalo Lacagta Shillin Soomaaliga ah

1
0

Amar kasoo baxay Taliska Booliiska Magaalada Baydhabo waxaa Ganacsatada Magaaladaas la faray in ay isticmaalaan lacagta shillin Soomaaliga ah oo maalmo kahor ay diideen kaddib markii meelo kala duwan oo Dalka ah laga joojiyay adeegsigeeda inkasta oo dib loo fasaxay.

Taliska Booliiska ayaa Dadka Lacagaha Safirra faray in ay meesha ka saaraan lacagta xad-dhaafka ah ay ku sarifayaan dibna ugu celiyaan qiimihii hore si meesha looga saaro xaalad weliba oo sicir barar dhalin karta.

Dadka Magaalada Baydhabo oo maanta bannaanbaxay ayuu ugu baaqay in ay xaaladda dajiyaan isla markaana gacan adag loo adeegsan doonno socodsiinta kunka shillin oo dad badan noloshoodu ku xiran tahay sida hadalka loo dhigay.

Meelo kala duwan oo Muqdisho ay kamid tahay ayaa horay looga diiday isticmaalka Kunka Shillin Soomaaliga ah inkasta oo wadahadallo dhacay lagu socodsiiyay, waxaana mas’uuliyiinta la hadlay dadka cabanayay kamid ah Taliyaha Booliiska Gobolka Baay, Sadiiq Doodishe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here