Home WARARKA Garoonka Muqdisho oo Xiran, Safiiro iyo Boqolaal Rakaab ah oo Ku Go’doonsan

Garoonka Muqdisho oo Xiran, Safiiro iyo Boqolaal Rakaab ah oo Ku Go’doonsan

2
0

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta si buuxda u xiran, iyadoo xaaladda amni ee ka taagan caasimadda ay sababtay in la hakiyo duulimaadyadii qorsheysnaa iyo dhaq-dhaqaaqii garoonka.

Boqolaal rakaab ah oo maanta tikidhada diyaaradaha u goostay safarro gudaha iyo dibadda ah ayaa safarradoodii baaqdeen, kadib markii la xiray waddooyinka gala garoonka iyo adeegyada la xiriira duulimaadyada.

Sidoo kale, safiiro iyo diblomaasiyiin ka socday dalal kala duwan oo ku sugan Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku go’doonsan yihiin aagga garoonka, maadaama ay u suurtageli weyday inay ka baxaan Muqdisho ama ay gaaraan goobihii ay ku wajahnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Safiirka Turkiga uu ka mid yahay diblomaasiyiinta ku sugan Hotel Decale ee ku dhex yaalla aagga garoonka diyaaradaha. Xalay ayaa la sheegay in safiiro badan iyo saraakiil caalami ah ay isugu tageen hotelkaasi, iyagoo rajeynayay inay maanta ka dhoofaan dalka haddii xaaladda amni ay degto.

Hase yeeshee, xaaladda Muqdisho ayaa saaka sii xumaatay kadib dagaallada iyo xiisadaha amni ee ka socda qaybo ka mid ah magaalada, taasoo keentay in qorshayaashii bixitaanka diblomaasiyiinta iyo rakaabkuba hakad galaan.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka garoonka ama dowladda Soomaaliya oo ku saabsan goorta dib loo furi doono garoonka iyo dib u billowga duulimaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here