Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay is hortaag ay sheegeen in ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ka qayb geli lahaa kulan Golaha Mustaqbalka oo ay xalay ku lahaayeen Hotel Airport oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo looga arrinsanayey diyaar garowga wada xaajoodka la filayo in uu dhex maro Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen in ay ka go’an tahay ka qaybgalka wadahadalada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorashada Dalka iyo sidii looga baaqsan lahaa firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.
“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud in uu mudnaanta siiyo isu keenidda iyo midnimada dadka, halkii uu ku mashquuli lahaa dano siyaasadeed oo sii kala fogeynaya dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka.
Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo masuuliyiinta hay’adaha amniga ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan maamuuska iyo habraacyada gaarka ah ee ay leeyihiin Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaarayaashii hore iyo masuuliyiinta sare ee Dalka. Waxay sheegeen dhowrista maqaamkooda inuu yahay waajib qaran oo ka turjumaya sharafka hay’adaha dowliga ah iyo joogtaynta nidaamka dowladnimo.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ka qabygalka iyo qabsoomidda shirarka u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka ee lagu ballansanaa si loo gaaro heshiis doorasho oo lagu badbaadinayo sharciyadda hay’adaha dowliga ah, loogana hortagayo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay in madaxdii hore ee dalka ay jebiyeen habraaca amni ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii ay sheegtay in ay hub badan lasoo galeen xayn daabka garoonka. Dowladda waxay sheegtay in albaab aan ahayn halkii loogu talo masuuliyiinta Golaha Mustaqbalka inay ka soo galeen garoonka iyagoo ciidan badan watay, taasoo ay sheegeen in ay dhaawacayso amniga garoonka.




