Home WARARKA Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi wasiiro uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi wasiiro uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

7
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyada oo ay la socdaan qaar kamid ah wasiirrada muhiimka ah ee dowladda gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow, wasiirka diinta oo sanadkii 2018 laga soo xiray magaalada Baydhabo, iyo Cali Xoosh, wasiirka arrimaha gudaha, kaasoo la doonayo inuu ka shaqeeyo diyaarinta doorashooyinka soo socda ee maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.

Inta uu socdo booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wafdigu wuxuu qorsheynayaa inuu kulamo la yeesho wasiirro, saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si looga tashado mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed, kaddib isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay maamulkaasi.

Tagista wafdigan Baydhabo ayaa timid kaddib markii shalay ciidamada dowladda ay la wareegeen magaalada, islamarkaana xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulamadan iyo wadatashiyada siyaasadeed ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeeshaan qaab dhismeedka iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed oo ay hadda Dowladda Soomaaliya ka shaqeeyneeso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here