Home WARARKA Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u hakisay safarka Masar ee...

Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u hakisay safarka Masar ee “OK-to-Board”

3
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in laga bilaabo 24-ka May 2026 oo maanta ah si ku meel gaar ah loo hakiyay oggolaanshaha safarada OK-to-Board ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u socda dalka Masar.

Hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dambeeyay caqabadaha dhowaan ka soo wajahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka ku maray Masar.

OK-to-Board waa oggolaansho safar oo ku meel gaar ah oo inta badan la siiyo dadka u dhashay dalalka Afrikaanka ah ee u safraya dalka Masar, ayna ku raacaan diyaaradaha u socda Masar, dabadeedna ay dal-ku-gal ka qaataan garoonada dalkaasi kadib marka ay bixiyaan lacagta visaha.

Nidaamkan safarka waxaa marka hore codsada shirkadaha tikidhada ee Soomaali iyo Masaariba leh, dabadeedna waxaa ansixiya hay’adaha amniga ee Masar, iyadoo loo soo mariyo isla shirkadaha tikidhada, taas oo u suurtogalisa qofka inuu ku raaco diyaaradaha ku sii jeeda Masar.

Hay’adda ayaa sheegtay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargelinayaa in safarka Masar weli lagu samayn karo dal-ku-gal rasmi ah oo ay bixiso qunsuliyadda Masar oo kaliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojinayso xiriirka iyo wada-shaqeynta safarada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo fududeeyo safarada iyo xiriirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here