Ciidamo badeed ka tirsan Midowga Yurub ayaa gudaha u galay markab Shidaal siday oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo la kulmay weerar ay soo qaadeen burcad-badeed ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dhammaan 24-kii...
Dowladda Faransiiska ayaa war ay soosaartay waxa ay muwadiinteeda ugu baaqday in si degdeg ah uga baxaan Dalkaas kaddib markii Xukuumadda Paris ay cabsi ka muujisay suuragalnimada in Kooxaha Islaamiyiinta ah ay qabsan karaan Dalkaas. Faransiiska ayaa muwaadiniintiisa ku sugan...
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif, kaddib fadeexadii ka dhacday isbitaalka. “Wasiirka isagoo ka jawaabaya masuuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir,...
Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay goordhaw ku dileen halkaas laba nin oo shacab ahaa. Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa la sheegay iney kasoo jeedaan deegaan ahaan degmada Cabudwaaq, waxaana dilka uu yahay...
Wararka aan heleeno ayaa sheegaya in Gabar ay fool heysay oo in loo gar gaaro utagtay isbitaalka Banaadir laga soo racdeeyay oo Banaanka xoog loogu soo saaray ay afaafka hore ee Albaabka isbitaalka ku hor umushay . Arrintan ayaa caro...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ururka 47-aad guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa deegaanka Deynuunaay iyo deegaano hoostaga ka fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab. Howlgaladaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda ee...
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa si lama filaan ah u qirtay in ciidamada dowladda ay la kulmeen khasaare aad u weyn tan iyo markii la bilaabay howlgalka millatari ee lagu qaaday Al-Shabaab sanadkii...
Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeedda ayaa markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay budhcad-badeednimo ay isku dayeen in ay bartilmaameedsadaan maraakiib ku sugan aaggaas, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii. Dabley...
Xiisad culus ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii saldhigga booliska Dayniile, Axmed Yalaxow, kaas oo lagu bedday Gaashaanle Dhexe Liibaan Shidane oo horay usoo noqday taliyaha saldhigga Dharkenley. Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jayte oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay racfaanka uu soo qaatay Sharma’arke Cabdulqaadir Cali oo katirsan ciidanka Booliiska kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax isla markaana uu ciqaab u gaystay kahor dilka. Sharma’arke Cabdulqaadir Cali waa Dable Booliis...