Warar dheeraad ayaa laga helaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo Xalay ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, kadib markii Xalay halkaas lagu dilay Hooyo 80 jir aheyd laguna dhaawacay wiilkeeda.
Dilka Hooyada 80 jirka aheyd iyo dhaawaca...
Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Howgalka ciidamadaan ayaa la sheegay inuu yahay ujeedkiisa mid looga hortagayo...
Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay warar dhowaan lagu faafiyay baraha warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in...
Wararka ka imaanaya deegaanka Guudoole ee Galmudug ayaa sheegaya in hooyo Madiino, oo qiyaastii 70 jir ahayd, lagu dilay weerar ay geysteen dabley hubeysan xilli ay ku sugneyd gurigeeda, halka wiilkeeda uu ku dhaawacmay rasaasta.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in...
Garoonka diyaaradaha Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaa laga maqlayaa dhawaqa diyaarado waaweyn oo laamiga ku garaacaya daafaha magaalada.
Daqiiqado ka dib markii ay degtay, diyaaradda waa la aqoonsan karaa. Waa diyaarad nooca IL-76 oo ah nooca xamuulka qaada...
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in dib loo furo kiiska dilka naxdinta lahaa ee lagu eedeeyay saddex ruux oo loo haystay dilka hooyo Safiya Daahir Wehliye iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaan hoostaga Qayib bishii...
Puntland ayaa digniin xooggan u dirtay cid kaste oo hub sidata oo aan kamid ahayn hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay in aan hadda kaddib laga leex leexan doonin in tallaabo laga qaado.
Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa...
Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo Xalay si rasmi ah ula wareegay xilkaan ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amni xumada ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Carab...
Switzerland ayaa qorsheyneysa inay si qarsoodi ah ugu celiso Muqdisho dhowr muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo sameynaysa duulimaad qarsoodi ah. Weli lama oga kaalinta ay dowladdu Soomaaliya ku leedahay arrintan.
Hay’adda Socdaalka ee Switzerland (SEM) ayaa qorsheyneysa duulimaadyo gaar ah oo lagu...
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa...









