Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaar ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa maalintii labaad galay shirka Mucaaradka oo ay uga arrinsanayaan xaaladda Dalka, Dastuurka iyo Doorashada aan weli waqtigeeda la gaarin. Madaxda ka hadashay Furitaanka Shirkaan waxa ay ka jeediyeen khudbaddo dhalliil u...
Shabakadda cusub ee fiisaha elegtarooniga ah ee Soomaaliya ma laha hab-maamuus ammaan oo sax ah, kaas oo laga yaabo inay ka faa’iidaystaan ​​jilayaasha guracan ee doonaya inay soo dejiyaan kumannaan fiisooyin elektaroonig ah oo ay ku jiraan macluumaad xasaasi...
Waxaa mar kale xiisad culus ay kasoo cusboonaatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysa shaqaalaha ka howlgala garoonka iyo shirkadda Favori. Qaar kamid ah shaqaalaha oo si weyn uga cabanaya maamulka sare ee shirkadda ayaa...
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyay muuqaal muran dhaliyay oo dhulka dalal ku yaalla Geeska Afrika ku daraya Itoobiya. Muuqaalka ayaa waxaa lagu bandhigay munaasabadda soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga hortagay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, halkaas oo lagu...
Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo...
Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Ingiriiska, ayaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee ay soo rogtay...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefu Woshe. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Geeska...
Xubnaha Mucaaradka Dowladda oo kaashanaya Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta waxaa magaalada Kismaayo uga furmaya shir ay uga hadlayaan sidii ay u mideyn lahaayeen Arragtiyadooda siyaasadeed. Dhinacyada oo hore uga dhaga adeegay gogol iyo wadashiyo ugu baaqday Dowladda Federaalka...
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gacanta ku dhigay qaraxyo culus oo kooxda Al-shabaab damacsaneyd iney gudaha u soo galiso magaalada Muqdisho. Taliyaha guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa warbaahinta u sheegay...