Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Shalay fagaare ku yaala duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku toogtay Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye oo isla Shalay Maxkamadda gobolka Galgaduud ku riday xukun dil toogasho ah.
Ninkan toogashada lagu...
Labo askari oo ka tirsan cutubka ilaalada xuduudaha Kenya ayaa ku dhintay qarax miino oo ay maleegeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah kadib markii gaarigii ay wateen uu miinada kula qarxay wadada u dhaxaysa Liboi iyo Kulan ee gobolka Garissa, ee...
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wadahadallada u dhaxeeya dalalka Ruushka iyo Ukraine ay meel fiican marayaan, isla markaasna rejo laga qabo in lagu guulleysto.
Wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Ruushka...
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2026, taas oo muujinaysa hoos-u-dhac ku yimid mashaariicda caalamiga ah iyo qorshaha maalgelinta guud ee dowladda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Jaamac Jowle, ayaa sheegay in sanadkan kororka ugu weyn uu...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetang’ula.
Intii kulanku socday, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa ugu...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay howgal Xalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Buula madiina oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan oo ahaa...
Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho.
Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka...
Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan.
Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada amni daro ee ka jirta guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamed Xuseen ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka aan ka tirsaneyn...
Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow togga Baallade u qabatay toddobo maalmood inay kaga guuraan deegaanka, si ay u goyso sahayda lagu eedeeyo inay gaarto ururka Daacish, oo la sheegay inuu mararka qaar dadka deegaanka ka helo...









