Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetang’ula. Intii kulanku socday, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa ugu...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay howgal Xalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Buula madiina oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan oo ahaa...
Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho. Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka...
Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan. Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada amni daro ee ka jirta guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddoomiye Maxamed Xuseen ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka aan ka tirsaneyn...
Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow togga Baallade u qabatay toddobo maalmood inay kaga guuraan deegaanka, si ay u goyso sahayda lagu eedeeyo inay gaarto ururka Daacish, oo la sheegay inuu mararka qaar dadka deegaanka ka helo...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalintii sadexaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ka wada deegaanada hoostaga degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool. Howlgaladaan ayaa ah kuwa ciidanka xoogga dalka ay ku doonayaan in kooxdu ay...
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ku dhawaaqday Xukuumaddeeda ayaa Golaha Wasiirrada waxa ay ka reebtay Xuseen Maxamed Baashe oo Soomaali ah balse ku dhashay Dalkaas kana mid ah Ganacsatada Dalkaas dhaqaalaha badan haysta. Xuseen waxa uu ku dhashay Magaalada...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay in uu bilaabay baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymo la sheegay in loo geystay muwaadin lagu magacaabo Cabdifitax Axmed Xuseen oo laga reebay duulimaadka Turkish Airlines, isla markaana lagu sameeyay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Xalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka deegaanka Moora gaabeey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa...