Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif, kaddib fadeexadii ka dhacday isbitaalka. “Wasiirka isagoo ka jawaabaya masuuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir,...
Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay goordhaw ku dileen halkaas laba nin oo shacab ahaa. Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa la sheegay iney kasoo jeedaan deegaan ahaan degmada Cabudwaaq, waxaana dilka uu yahay...
Wararka aan heleeno ayaa sheegaya in Gabar ay fool heysay oo in loo gar gaaro utagtay isbitaalka Banaadir laga soo racdeeyay oo Banaanka xoog loogu soo saaray ay afaafka hore ee Albaabka isbitaalka ku hor umushay . Arrintan ayaa caro...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ururka 47-aad guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa deegaanka Deynuunaay iyo deegaano hoostaga ka fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab. Howlgaladaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda ee...
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa si lama filaan ah u qirtay in ciidamada dowladda ay la kulmeen khasaare aad u weyn tan iyo markii la bilaabay howlgalka millatari ee lagu qaaday Al-Shabaab sanadkii...
Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeedda ayaa markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay budhcad-badeednimo ay isku dayeen in ay bartilmaameedsadaan maraakiib ku sugan aaggaas, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii. Dabley...
Xiisad culus ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii saldhigga booliska Dayniile, Axmed Yalaxow, kaas oo lagu bedday Gaashaanle Dhexe Liibaan Shidane oo horay usoo noqday taliyaha saldhigga Dharkenley. Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jayte oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay racfaanka uu soo qaatay Sharma’arke Cabdulqaadir Cali oo katirsan ciidanka Booliiska kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax isla markaana uu ciqaab u gaystay kahor dilka. Sharma’arke Cabdulqaadir Cali waa Dable Booliis...
Puntland ayaa si iskeed ah u hirgeliyay nidaam dal-ku-gal, kaas oo dadka socdaalka ku taga gobolka looga qaadayo $60. Qiimahan ayaa aad ugu dhow $64 ee lagu bixiyo fiisaha elektaroonigga ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya hirgelisay. Saraakiil ka tirsan...
Nin Soomaali ah oo seddex haween ah toorey ku dilay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria, Jarmalka, laguma celin karo dalkiisa waxaana uu si joogto ah ugu sii jiri doonaa xarunta dadka maskaxda laga daweeyo ee Jarmalka. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee...