Waxa maanta Muqdisho ka dhacay waxay sawir khaldan ka bixinaysaa, islamarkaana dhaawac wayn gaarsiiyay ruuxdii iyo himilladii ay dadka reer Muqdisho ka qabeen doorasho qof iyo cod ah, oo awoodda dib loogu celinayo shacabka. Doorashadu waa yididdiilo uu qof kasta...
Marin habaabintii lagu sheegay doorasho golaha degmo ee ujeedkeeduna ahaa lacag Dhaqid (money laundering). Xogaha rasmiga ah ee aan ka helnay dadkii maanta lagu sheegay in ay codeeyeen waxay ahaayeen marka laga soo tago tiro aad u yar oo iskood...
Dagaal beeleed u dhexeeya laba beelood oo wada dega gobollada Salal iyo Awdal ee Somaliland, ayaa shalay iyo maanta ka dhacay gobolka Salal. Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya labada beelood. Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya...
Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday, tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qarax xooggan uu ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Maiduguri ee gobolka Borno, waqooyi-bari Nigeria. Booliiska ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday dadka rayidka...
Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee halis gelinaysa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Kenya. Khubaradu waxay carrabka ku adkeeyeen in inkastoo...
Dadka ku nool Magaalada muqdisho ee Caasimadda soomaaliya ayaa saaka u dareeray Doorasho qof iyo cod ah oo lagu muransanyahay ay ku dooranayaan Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir. Muqdisho waa Bandoow, waxaa xiran Waddooyinka, Goobaha Ganacsiga, Waxbarshada, Ilaha Dhaqaalaha...
Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa si adag uga hadlay doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir ee lagu wado inay berrito ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid aan ahayn doorasho xor iyo xalaal ah, balse ah qorshe hal dhinac iyo...
Dowladda Mareykanka ayaa diiday fiisaha gelitaanka shan qof oo u ololeeya arrimaha dijitaalka, kuwaas oo ay ku jiraan labo muwaadin oo u dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK). Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay in shaqsiyaadkan ay cadaadis ku saareen shirkadaha baraha...
ka fikir inta aadan qorin,lawadaagin,ama faafin ka fiiso ka ho inta aadan wax soo dhigin U Isticmaal baraha bulshada mideyn Ha u isticmaalin kala qay-bin. Noqo cod nabadeed iyo isku-duubnin bulsho #DigitalResponsibility #YouthForPeace #barahabulshadaiyonabadda
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa soo saaray baaq madaxweyne oo ku aaddan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, taas oo saameyn ba’an ku yeelatay nolosha shacabka, gaar ahaan...