Doorasho ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo+sawirro

0

Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacday doorashada Gudoonka Sare ee Midowga Wakiilada Duulimaadyada iyo dalxiiska Jubaland. Dorashadan oo ay ku tartamayeen labada Urur ee kala ah Himilo iyo Tayo ayaa waxa ay ku dhacday jawi dagan, waxaana mar kale Golaha Fulinta loo doortay Axmed Jeele Qorax oo afarta sano ee soo socota...

Mareykanka oo sheegay inuu kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan gudaha Soomaaliya

0

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan ay ka badan yihiin kuwii sannadkii hore. Sida ay u xaqiijiyeen Fox News Digital, sanadka 2024 waxaa Soomaaliya laga fuliyay 10 duqeyn oo kaliya, halka sanadkan ay AFRICOM qaaday in ka badan 100 duqeyn. Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari,...

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal beeleed ka dhacay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal beeled geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kasoo ka dhacay xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada beelood uu soo kala dhex...

Siyaasadda Soomaaliya ee is-daba joogga ah waxay u badan tahay inay noqoto foolkaanno qarxa.

0

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu si buuxda ula socdaa in waqtiga ka haray xilligiisa labaad uu hadda ka yar yahay 166 maalmood. Waxa kale oo uu og-yahay in uu qof walba ka fiican yahay- in mashruuciisa doorasho ee been abuurka ah ee “hal qof iyo hal cod” ee lagu dhisay habka qabiilka ee 4.5 iyo urur-siyaasadeed, uu yahay mid...

Idaacadda Marka FM Somalia oo Ku dhawaaqday in si ku-meel-gaarka ah u joojisay ee howlahii shaqo

0

Ku: Warbaahinta, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha & Bulshada Soomaaliyeed Ujeeddo: Ku dhawaaqidda joojinta ku-meel-gaarka ah ee howlaha Idaacadda Marka FM Somalia Taariikh: 29-11-2025 Goobta: Marka, Shabeellaha Hoose Idaacadda Marka FM Somalia, oo ah idaacad madax-bannaan oo ka howlgasha Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxay maanta bulshada, taageerayaasheeda, iyo dhammaan hay’adaha warbaahinta la wadaageysaa in ay si ku-meel-gaar ah u joojisay dhammaan hawlaheeda shaqo. Go’aankan...

Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay kulanka bilaha ah ee bulshada caddaaladda iyo amniga Jubbaland

0

Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay kulanka bilaha ah ee bulshada, caddaaladda iyo amniga Jubbaland, kaasi oo si rasmi ah uu u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal. Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Jubbaland Xubno kamid ah Golaha Wakiillada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Amniga iyo Caddaaladda Guddoomiyaha Ururka Haweenka Jubbaland Saraakiil ka...

149 Xildhibaan oo laga jarayo gunnada bishaan

0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay loo cudur daari Karin xildhibaannada maqan bilaa fasaxa ah balse laga jarayo gunnadooda. Abshirow waxa uu sheegay in 149 Xildhibaan oo maanta xaadirin kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya laga  jarayo lacagta gunnada ee Bishaan maadaama dhowr...

DHAGEYSO :NISA oo kordhisay dhibaatada ay ku heyso shacabka Muqdisho

0

Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA, ayaa billaabay bilihii u danbeeyey in ay dhibaateeyaan dadka leh ganacsiga yar-yar, gaar ahaan kuwa waratada ah iyo qaarka leh dabakayooyinka. Ciidamadan ayaa dadkaasi nolosha maalin laha ka raadinaya ganacsiga yar yar weydiisanaya lacago baad ah oo dhan $30 dollar, waxaana qofkii bixin waaya ay ugu hanjabaan inay ka bur burin doonaan goobtiisa...

Kenya oo dacwad ka gudbisay Dhallinyaro Soomaali ah oo Muuqaallo isaga dhex duubta Waddooyinka Nairobi

0

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Dowladdaas ay usoo gudbisay dacwad ka dhan ah Dhallinyaro Soomaali ah oo Muuqaallo isaga soo duubta waddooyinka waa weyn ee Magaalada Nairobi. Jibriil ayaa tilmaamay in qof uu ku dhintay arrintaan halka dad kale ay ku dhaawacmeen, laamaha ammaanka Kenyana ay u sheegeen in ay Safaaradda Soomaaliya ay u...

Maxay ku heshiiyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya & Morocco?

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa dhiggiisa Morocco waxa ay kala saxiixdeen heshiis labo geesood ah oo dhexmaraya Labadaaan Dal sida Iskaashiga, horumarinta Ilaha muhiimka ah. War lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu waa cusub u beryay Muqdisho iyo Rabat oo wixii hadda ka dambeeya iska...