Bellingham Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Saameynta Arnold Ay Ku Yeelatay Geeridii Jota
Jude Bellingham ayaa si murugo leh uga hadlay saameynta weyn ee geerida Diogo Jota ku yeelatay saaxiibkiisii Trent Alexander-Arnold, isagoo muujiyay in xiddiga Liverpool uu wali ku jiro xaalad adag. Wuxuu yiri: “Trent? Aad bay ugu adkeyd isaga. Wuxuu la ciyaaray Diogo muddo 5 sano ah. Qof walba wuxuu dareemayaa khasaaraha, laakiin Trent si gaar ah ayuu uga naxay. Waxaan nahay...
Lamine Yamal Iyo Nico Williams Oo Isku Dhacay; Hadaba maxaa sababay
Lamine Yamal ayaa la sheegay inuu si aad ah ula yaabay go’aanka Nico Williams uu ku saxiixay heshiiska cusub ee uu ku sii joogi doono Athletic Bilbao ilaa 2035, isagoo iska diiday ku biirista Barcelona, sida uu qoray La Vanguardia. Yamal, oo ay Nico si aad ah isugu dhow yihiin isla markaana ay saaxiibo yihiin, wax war ah kama hayn...
Chelsea oo ku guuleysatay Abaalmarin Lacageed Kadib Markii Ay Gaartay Semi-finalka Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha
Chelsea ayaa sameeyay guul weyn kadib markii ay iska xaadiriyeen semi-final-ka Club World Cup, taasoo keentay in kooxda ay kasbato lacag dhan £60m. Kooxda reer England ayaa 2-1 kaga badisay Palmeiras, ciyaar ay goolasha u kala dhaliyeen Cole Palmer halka Palmeiras uu goolka calanka u xiray da’yarka ay dhowaan Chelsea la saxiixdeen ee Estevao Willian, kaasoo gool qurux badan dhaliyay. Waxaa...
Wicitaankii Ugu Dambeeyay Ee Diogo Jota Ka Hor Geeridiisa Oo La Shaaciyay
Waxaa si murugo leh loo xaqiijiyay in Diogo Jota, weeraryahankii Liverpool ee geeriyooday toddobaadkan, uu ku jiray waqti farxad leh ka hor shilkii naxdinta lahaa ee uu ku naf waayay. Álvaro Cerqueira, Madaxweynaha kooxda Gondomar SC — kooxda uu Jota ka soo bilaabay xirfadiisa — ayaa sheegay inuu ahaa mid ka mid ah dadka ugu dambeeyay ee la hadlay Jota...
Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah Uga Laabatay Xiisihii Rashford – Deco Oo Magacaabay Ciyaaryahanka Uu Doonayo!
Sida ay warinayso Diario AS, Agaasimaha Isboortiga ee Barcelona, Deco, ayaa si rasmi ah ganafka ugu dhuftay xiisihii kooxda ee weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford. Rashford Maaha Mudnaanta Koowaad: Deco uma tixgelinayo Rashford sida bartilmaameed muhiim ah suuqa xagaagan. In kasta oo wakiilka Rashford uu riixayo heshiis uu laacibku ugu wareegayo Camp Nou, Deco ayaa go’aansaday in la joojiyo wadaxaajoodyada. Mudnaanta Waa Luis...
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay askartii Uganda uga dhimatay shilkii diyaaradeed
Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay askartii Uganda uga geeriyootay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda kadib shilkii nasiib darrada ahaa ee diyaaradda helikobtarka UPDF oo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka DFS. “Geesiyaashii ku naf waayey shilkaas waxay muujiyeen geesinimo iyo...
Dowladda Soomaaliya oo beenisay War lagu baahiyay baraha bulshada
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa si adag u beenisay warqad qoraal ah oo lagu baahiyay baraha bulsdhada, kaa oo lagu sheegay in lagu asteeyay xilliga la qabanyo shirweyne dowlad goboleed loogu sameenayo gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in aysan jirin warqad dhankooda kasoo baxday oo la xariirta arrimaha gobolka...
Iran oo ugu hanjabtay Israa’iil in khariidada Dunidda laga weynayo haddii ay…
Doeladda Iiraan, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay diyaariyeen tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii Israa’iil ay beegsato ama dhibaato ay gaarsiiso hoggaamiyaha sare ee ilaalada Kacaanka Iiraan Aaytullaah Ali Khamenie. La-taliyaha sare ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Ahmad Vahidi, ayaana shaaca ka qaaday in Israa’iil laga waayi doono khariidada dunidda, haddii ay isku daydo in ay waxyeelo gaarsiiso...
AUSSOM oo ka hadashay diyaarad ku burburtay Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee loo yaqaano AUSSOM ayaa waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in 3 qof ay ka badbaadeen diyaaradda oo nuuceedu ahaa helicopter-ka oo subaxnimadii maanta ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, sida laguna sheegay war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska AUSSOM. “Arbacadii...
jen. Muungaab oo gudoomiye cusub u magacaabay degmada Kaxda
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jeneraal Muungaab) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdiwali Xasan Nuur. Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ayuu gudoomiyaha cusub ee degmadaasi u magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo kamid ahaa dhalinyarada ugu fir furcoon ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha...









