Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo taageerada midnimadeeda
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, kulan si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda Soomaaliya iyo horumarrada amniga iyo siyaasadda ee Geeska Afrika. Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Erdogan uu muujiyay in Ankara ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya, isaga...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan siyaasadeed kula yeeshay Muqdisho Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed. Kulankan oo aan horey loo sii shaacin ajandihiisa ayaa yimid xilli ay jireen kala fogaansho siyaasadeed iyo is-aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyay labada hoggaamiye, taas oo keentay in kulankaasi uu yeesho dareen siyaasadeed...
Donald Trump oo xoogga saaraya in aan lagula tartamin Koofurta Ameerika
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu dejiyay qorshe xooggan oo ka dhan ah sidii uu isaga fogayn lahaa Dalalka Shiinaha iyo Ruushka, waxa uu damacsan yahay xil ka tuurista madaxda raacsan Moscow & Beijing. Donald Trump ayaa la tashtay xubno katirsan kuwa mayalka adag ee Xisbigiisa katirsan kuwaas oo iyanna ku raacay qorshahaan si loo dhimo halista...
Somaliland oo Taageertay Tallaabada uu Maraykanku Kusoo Qabtay Madaxweynihi Venezuela
Somaliland ayaa taageertay tallaabadii uay ciidamada Maraykanku Kusoo qabteen Madaxweynihi hore ee dalka Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisii oo ay ku tilmaantay tallaabo dib loogu soo celinayo sharciga dalkaas. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa si rasmi ah u muujisay taageerada Somaliland ee Maraykanka, iyada oo tallaabada Trump ku tilmaantay mid dib...
Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland iyo labo askari oo lagu dilay qarax ka dhacay Waddada cusub ee Boosaaso iyo Dhaadaar
Ugu yaraan labo askari iyo sarkaal ciidan ayaa ku geeriyooday, in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib qarax xooggan oo saakay ka dhacay waddada cusub ee isku xirta Boosaaso iyo Dhaadaar, kaas oo lagu beegsaday gaari miino-baaris ah oo ay wadeen ciidamo ka tirsan Puntland. Dadka ku geeriyooday qaraxaan sida aan ka xaqiijinay saraakiil ciidan oo aan...
Galgaduud: Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah oo ku geeriyooday qarax miino
Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, halka tiro kale oo ka badan 8 qofna ay ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay deegaanka Kud-kudaaleey oo hoostaga degmada Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Qaraxa ayaa haleelay gaari noociisu yahay Laylo-calaawi oo ay saarnaayeen ku dhowaad 20 qof oo safar ahaa, kuwaas oo ka yimid...
Shacabka ku dhaqan tuulooyinka Jameeco iyo Nabaaxiga ee Degmada Xawaadley oo wajahaya xaalad aad u adag
Shacabka ku dhaqan tuulooyinka Jameeco iyo Nabaaxiga ee Degmada Xawaadley ayaa wajahaya xaalad aad u adag oo dhanka nolosha ah, kaddib markii ay ka barakaceen deegaanadooda, sababo la xiriira dagaalladii ka dhacay halkaas. Shacabkan barakacay ayaa u qaxay tuulooyin ku yaalla dhanka Waqooyiga, kana baxsan Degmada Xawaadley. Qaar kamid ah dadka aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay soo food...
Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo si adag uga hadlay Dad lagu xiray Awdal
Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Mukhtaar Xasan Maydhane ayaa si wadajir ah uga hor yimid tobanneeyo ruux oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka Somaliland ay ku xireen Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal. Waxa ay labada Xildhibaan sheegeen in sababta dadkaas loo xiray ay tahay in ay qaateen Calanka Falastiin halka Dadka Magaalada Hargaysa Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay u fasaxday Calanka...
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Baay
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Xalay fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay. Howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah ciidanku ugu bartilmaameedsadeen xarumo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana lagu dilay 20 xubnood oo isugu...
Ciidamada Maraykanka oo qabtay Madaxweynihii Venezuela iyo xaaskiisa
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay weerar culus ku qaadeen dalka Venezuela, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, kaddib howlgallo militari oo xalay ka dhacay caasimadda Caracas iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa sheegay in “Maraykanku si guul leh u fuliyay...









