Puntland oo ciidamadii ugu badnaa kasoo saartay Calmiskaad, iyadoo ku daabulaysa Calmadow

0

Puntland ayaa ka soo saartay ciidamadii ugu badnaa ee ka dagaallamayay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu halkaas ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish. Ciidamadan ayaa saakay laga soo daadgureeyay deegaanka Turmasaale, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu adkaa ee Daacish, islamarkaana laga xoreeyay horraantii sanadkii hore. Laamaha amniga Puntland ayaa sheegay...

Abaar saamayn taban ku reebtay Xoolo dhaqato & Beeralay oo ka jirta Koofur Galbeed iyo Jubbaland

0

Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka jira abaar saamayn taban ku reebtay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo kuwa Beeralayda ah, qoysaska qaar ayaa billaabay in ay u hayaamaan deegaanno kale. Ilo kala duwan ayaa  u sheegay  warbaahinta in xaaladdu ay sii adkaatay maalmihii lasoo dhaafay kaddib markii biyihii yaraa ee deegaannada qaar laga helayay laga waayay ceelasha...

Halis amni oo ka jirta Muqdisho ee caasimadda soomaaliya

0

Saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku dhaceen, kaddib muran ka dhashay kala qaybsiga lacago lagu bixiyay fasaxa shixnado mamnuuc ah oo ka soo degay Dekedda Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shixnaddaasi ay ahayd daroogo. Ilo kale ayaa tilmaamaya in muranka uu sidoo kale la xiriiray lacag lagu bixiyay sii deynta hub...

Qarax lala eegtay kolonyo galbinaysa Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle

0

Qarax la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay kolonyo galbinaysay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta dib ugu noqday Magaalada Jowhar. Sida ay u sheegeen warbaahinta ilo kala duwan, qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah Gaadiidka wax ka gelbinayay Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaa ka dhashay dhaawaca 2 qof oo kamid ah...

Ciidamada DFS & Macawiisleyda oo garab ah oo Al-Shabaab kula dagaalamay Shabeelaha Dhexe

0

Ciidamada Xoogga Dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal Al-Shabaab kula galay deegaannada Godka Galayda & Shoolka oo u dhaxeeya Towfiiq iyo Wardhaadhi ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle. Saraakiil hoggaaminaysa ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in khasaara xooggan oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Dagaalkaas inkasta oo warar la helayo ay sheegayaan in...

Markab Shiinees ah oo ku caan baxay kalluumaysiga sharci-darrada ah oo lagu qafaashay xeebaha Puntland

0

Markab kalluumaysi oo Shiinees ah, kana tirsan maraakiib caan ku ah kalluumaysiga sharci-darrada ah, ayaa lagu qafaashay xeebaha Puntland ee Soomaaliya, sida ay sheegtay shirkadda la-tashiga amniga badaha ee Vanguard Tech. Markabka la qafaashay oo lagu magacaabo Liao Dong Yu 578 ayaa la sheegay in lagu qabtay meel u dhow xeebta Bandarbayla, Puntland (09 09 N 050 43 E). Sida...

Duqa Cusub ee New York oo ku dhaqaaqaya tallaabo ka dhan ah Qorshaha Donald Trump

0

Zohran Mamdani oo loo dhaariyay xilka ah Duqa Cusub ee Magaalada New York uuna ku guulaystay Bishii November sanadkii 2025 ayaa loo dhaariyay xilkaas, waxa uu ballanqaaday waxyaabo badan oo ay soo dhaweeyeen dadka goobta ku sugnaa. Duqa New York ayaa ugu horrayn sheegay in uu dib usoo celinayo midnimada Dadka Magaaladaas, marka xigta waxa uu tilmaamay in uu xoogga...

Jabaabtii Madaxweyne xasan sheikh ka sugaayay xildhibaanada Somaliland maxay noqotay

0

27-kii bishan, madaxweyne Xassan Sh ayaa ka dalbaday xildhibaanada in ay mowqifkooda cadeeyaan oo ay dawladda la garab noqdaan, oo diidaan aqoonsiga ISR|L. Xildhibaanadii waa hadleen maanta, waliba Gudoomiyayaal maxkamad sare, wasiiro ilaa Ra'iisulwasaare kuxigeen, Si aan qarsoodi aheyn ayay bareerahooda u cadeyeen 4 qodob aan eegno. 1- DAWLADNIMADA SOOMAALIYA: Koonfur & Waqooyi! Madaxweynuhu, wuxuu sugayay in xildhibaanadu dawladda Faderaalka aqbalaan oo...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Dib u Dhigtay Hirgelinta Shuruudda Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Safarka Gudaha

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (ICA) ayaa soo saartay wargelin rasmi ah oo ku saabsan shuruudda cusub ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee safarka gudaha dalka, taas oo la qorsheynayay in ay dhaqan gasho 1-da Janaayo 2026. Hay’addu waxay sheegtay in, si loo siiyo muwaadiniinta waqti dheeri ah oo ay ku qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, dib loo dhigay hirgelinta shuruuddan, isla...

Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya waligiis lama ansixin, wuuna fashilmay”Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Isra!l

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isra!l ayaa baahisay qoraal muhiim ah oo dib u xasuusinaya caalamka mowqifkii rasmiga ahaa ee Midowga Afrika uu ka qaatay qadiyadda Somaliland. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in qof kasta oo iloobay looga baahan yahay inuu eego waxa Midowga Afrika laftiisu uu ka go'aamiyay aqoonsiga Somaliland. Wasaaraddu waxay tixraacday warbixintii ka dhalatay mishiinkii xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika uu...