Ra’iisul wasaare Xamse oo u safraya magaalada Dhuusamareeb

0

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi uga qeyb galaya xiritaanka shirka Heritage oo muddo saddex maalmood ah ka socda magaalada Dhuusamareeb. Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay arragtiyo la xiriira dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa mustaqbal ifaya oo waxbadan...

Dekedda Boosaaso oo saaka laga joojiyay in ay galaan Dhamaan Shaqaalihii.

0

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa saaka gebi ahaanba Shaqadeedii istaagtay kadib markii shirkadda DP World ay amar degdeg ah ku soo rogtay dhammaan shaqaalihii ka shaqayn jiray dekedda taas oo keentay in maanta dekeda wax shaqo ah ka socon. Ilo kala duwan oo aanu la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in DP World ay saaka ku amartay dhammaan shaqaalaha dekedda in ay...

Baarlamaanka Itoobiya oo Ka Dooday Heshiiskii Somaliland kaddib Aqoonsiga Israa’iil

0

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa su’aalo culus lagu weydiiyay halka ay ku dambeeysay xaaladda heshiiskii is-afgarad (MoU) ee Itoobiya laba sano ka hor la saxiixatay Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland. Xildhibaanada ayaa intii uu socday fadhiga waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo ku-xigeenkiisa—kuwaas oo kulanka joogay—inay caddeeyaan halka uu marayo...

Guddoomiye Muungaab oo sheegay in sanadka 2026 aanay Muqdisho lagu arki doonnin Waddooyin Burbursan

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo furay Waddada Nasiib buundo Degmada Shibis oo dib u dhis lagu sameeyay ayaa ballanqaaday in sanadka saacadaha ka dhiman yahay ee 2026 aanay Caasimadda lagu arki doonnin Waddooyin Burbursan. Muungaab ayaa tilmaamay in Waajibka saaran Dowladda Hoose sida dib u dhiska waddooyinka, hagaajinta nadaafaddooda iyo intii kale ee itaalkooda ah ay qaadanayaan,...

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo sharaxay sababta uu Somaliland u aqoonsaday

0

Raysal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal degan, Muslim ah, qunyar socod ah, isla markaana doonaya in uu xidhiidh la yeesho Israa'iil, taasina ay ku kalliftay in ay aqoonsadaan. Netanyahu, oo waraysi siiyay warbaahinta Newsmax, ayaa sheegay in Somaliland ay ka degan tahay marka la barbar dhigo inta kale ee Soomaaliya, oo uu sheegay in...

Somaliland oo beenisay labo arrin oo laga faafiyey aqoonsiga Israel

0

Somaliland ayaa ka hadashay hadallo iyo warar soo baxayey oo ku aadan in aqoonsiga Israa’iil aqooonsatay Somaliland ay dano gaar ah ku wadato, in kasta oo Somaliland iyo Israa’iil aysan si furan u soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Warbaahinta iyo dadka falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda iyo siyaasadda waxay hadal hayaan...

Dowladda Maraykanka oo dacwad kusoo oogtay dad u badan Soomaali oo loo haysto musuq-maasuq

0

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogtay 98 qof oo lala xiriirinayo baaritaan ballaaran oo ku saabsan musuq-maasuq ka dhacay gobolka Minnesota, iyadoo la filayo in dacwado kale ay raacaan marka baaritaanku sii socdo. “Waxaan dacwad ku soo oogay 98 qof oo la xiriira musuq-maasuq ka dhacay Minnesota. In ka badan 60 ka mid ah way...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga ka billaabayo kulamo lagu difaacayo midnimada Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa billaabay kulamo xoogga lagu saarayo iskaashiga Muqdisho iyo Ankara, adkaynta difaaca midnimada & dadejinta heshiisyo horay ay u wadagaleen labada dhinac. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si xooggan uga hor yimid faragelinta Israa’iil ay ku samaysay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kaddib markii ay...

Booliiska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigey guddoomiye laameed ku eedeeysan inuu xabadeeyay dad rayid ah

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu maanta dad rayid ku xabadeeyay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Ninkan ku eedeysan inuu si bareer ah u xabadeeyay dadka rayidka ah ayaa lagu magacaaba Sakariye Cabdi Ibraahin, waxaana la sheegay inuu yahay gudoomiye laameed ka tirsan...

Ciidanka dowladda oo si buuxda ula wareegay deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa si buuxda kooxda Al-shabaab ugala wareegay deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa labadi todobaad ee lasoo dhaafay howlgalo culus oo ka dhan aha Al-shabaab ka waday inta u dhaxeysa magaaloyinka Marka iyo Muqdisho oo deegaano badan kaga sugnayeen Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo...