Turkiga oo dardar geliyay dhismaha saldhig milatari oo ku yaalla Laasgaray, kaddib tallaabada Israa’iil ee Somaliland
Warbaahinta Turkiga ee TRHaber ayaa sheegtay in dowladda Turkiga ay dardar gelisay dhismaha saldhig milatari oo ay ka wado degmada Laasgaray ee gobolka Sanaag, kaddib tallaabo ay Israa’iil ku doonayso inay saldhig milatari kaga samaysato Somaliland. Sida warbixintu tilmaamayso, Ankara ayaa arrintan u aragta mid saameyn ku yeelan karta amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee gobolka, taas oo ku kalliftay inay xoojiso...
Siyaasadda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa ka muuqda eedeymo la xiriira qaraabo-kiil
Siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa ka muuqda eedeymo la xiriira qaraabo-kiil iyo magacaabis ku saleysan xiriir shakhsiyeed. Zubeida Xasan Sheekh, oo ah gabadha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan loo magacaabay La-taliye (Counsellor) iyo La-taliye Sharci oo ka tirsan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, inkastoo aysan lahayn waayo-aragnimo hore oo dowladeed ama hay’ad caalami ah hadana maanta waa siyaasiyinta laga...
Kumaandooska Danab oo howlgalo muhiim ah ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Dhuusamareeb
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Galguduud. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Kumaandooska Danab wuxuu si gaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Ceel Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir dugle, kuwaas oo dhamaantood ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka...
Israa’iil oo soo bandhigtay kullan qarsoodi ah oo la rumaysanyaha in Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkeeda
Wasaarada Arrimaha Dibadda Israa'iil ayaa baahisay sawir muujinaya Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo la taagan Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, Gideon Sar. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, oo isaga laftiisu baahiyay sawirka, ayaa sheegay in sawirada dabaaldegyada ee kasoo gaadhaya Somaliland ay yihiin kuwo muujinaya farxad iyo rajo mustaqbal oo wanaagsan. "Waanu sii wadi doonaa in aanu wada shaqayno, si aanu...
Senator Dubbe oo is casilay, isla markaana ka baxay siyaasada midnimada Soomaaliya
Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa iska casilay kursigiisii, isaga oo sheegay in uu u dulqaadan waayay cadaawad uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo bulshada uu kasoo jeedo ee Somaliland, isla markaana xusay in Somaliland ay hadda guul gaartay oo ay ictiraaf heshay. Dubbe oo is casilay kadib markii...
Golaha Ammaanka QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya aqoonsiga Israel ee Somaliland
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta Isniinta yeelanaya kulan degdeg ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ugu aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, maalmo un ka hor inta aysan Soomaaliya si rasmi ah ula wareegin madaxtinimada wareegta ee Golaha. Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa Sabtidii...
Madaxweynaha Jubaland oo maanta si rasmi ah u saxiixay saddex xeer oo muhiim ah
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay saddex xeer oo muhiim ah, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka Dowladda Jubaland, kuwaas oo kala ah. 1. Xeerka Wax ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Maareynta Dhulka ee Magaalooyinka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska. 2. Xeerka...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo xaaladda dalka kala hadlay Amiirka Qadar
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed khadka taleefanka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qadar, Shiikh Tamiim Binu Xamad. Qoraal ka soo baxay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh la wadaagay Amiirka Qadar in Dowladda Federaalka ay wajaheyso qorsheyaal halis ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya. Amiirka Dowladda Qatar...
Sheekh Maxamed Cali Kaariye oo xabsiga la dhigay kadib markii uu ka hor yimid aqoonsiga Somaliland
Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Cali Kaariye, oo kamid ah culimada Somaliland, kadib markii uu baraha bulshada ku baahiyay qoraal uu kaga soo horjeeday aqoonsiga ay shalay dawladda Israa’iil siisay Somaliland. Kaariye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi: “Ka kacaay, ka kacaay, kufri baa yimide ka kacaay, Yuhuud baa timide ka kacaay, Netanyahu diidoo...
Netanyahu oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Somaliland Kadib Aqoonsiga Rasmi Ah
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa si rasmi ah u ku dhawaaqay in Somaliland loo aqoonsaday dowlad madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda. Tallaabadan taariikhiga ah waxaa ka dhashay saxiixa bayaan wadajir ah oo is-afgarad ah, kaas oo lagu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eli Cohen Sa’ar, iyo Madaxweyna Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi. Bayaankan waxaa lagu sheegay inuu ku...









