Trump oo wacad ku maray in uu jinsiyadda kala noqon doono dhammaan soogalootiga Soomaalida ah ee lagu helay wax isdaba marin
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeyn doono laalidda dhalashada muwaadiniinta Mareykanka ee asal ahaan soo galooti ah, haddii lagu helo dambiyo khiyaano ah, isaga oo hadalkaas ku xusay muhaajiriin “ka yimid Soomaaliya ama meel kasta oo kale.” Trump oo ka hadlayay munaasabad ay soo qabanqaabisay Detroit Economic Club ayaa sheegay in dadka lagu helo...
Xiisad ka taagan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho
Xiisad ayaa ka taagan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii saddex diyaaradood oo xamuul ah oo ay leedahay Itoobiya ay doonayeen in ay dalka ka qaadaan ciidamo, shaqaale iyo diblumaasiyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta oo dalka laga cayriyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaatay in dadka oo keliya la qaadi karo, balse si adag u diiday in wax qalab...
Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana Aasida Miinooyinka oo lagu dilay duuleedka degmada Afgooye
Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay maanta ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in ninkan la dilay uu kooxda All-shabaab u qaabilsana diyaarinta iyo aasida miinooyinka dhulka lagu aaso ee lagu beegsan jiray ciidamada...
Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Beladweyne & Amniga Magaalada oo sii xumaaday
Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowlada soomaaliya iyo Al-Shabaab. Kaas oo socday mudo saacad ku dhaw, waxana laga maqlay xaafada magaalada baladweyne jug culus oo cabsi ku keentay Dadka ku nool baladweyne. Ciidamada ayaa bannaanka uga soo baxay Xerada, iyaga oo watay gaadiidka dagaalka si ay u tagaan meelaha ay ku tuhmayaan...
Shirkadda DP- World oo sheegtay inay ku shaqeynayso heshiisyada ay kula jirto Somaliland
Shirkadda dekedaha iyo saadka ee DP World oo laga leeyahay Dubai ayaa sheegtay in hawlaheeda ay si caadi ah uga socdaan dekedda Berbera ee Somaliland, iyadoo sheegtay in ay ku shaqeynayso heshiisyadii horey u jiray, inkastoo ay jiraan xiisado goboleed oo ka dhashay colaadda sii kacaysa ee dalka dariska ah ee Yemen. Dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii sheegtay inay baabi’isay dhammaan...
Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay awood u lahayn burinta heshiiska Dekeda Berbera
Somaliland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegatay in ay ku burisay dhammaan heshiisyadii lagula jiray Imaaraatka Carabta, oo uu ku jiro heshiiska DP World iyo Dekeda Berbera. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Berbera ay tahay qayb...
4 kamid ah Dowlad Gobleedyada dalka oo xiriirkii u jaray Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka
Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Warsaxafadeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen afarta Wasaaradood ee dowlad goboleeyda Galmudug, Hirshabelle,...
Jubbaland oo si rasmi ah u diiday go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu laalay heshiisyadii Imaaraadka
Jubbaland ayaa si adag u diiday go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’inayay heshiisyadii ay Imaaraadka Carabta la galeen dowlad-goboleedyada, gaar ahaan heshiiska la xiriira dekedda Kismaayo. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uusan aqoonsanayn go’aankaas, isla markaana uu yahay mid baalmarsan dastuurka iyo awoodaha dowlad-goboleedyada. Jubbaland...
Somaliland oo ka hor timid amarka dowlada Soomaaliya, Imaataarka-na ku tilmaantay saaxiib
Somaliland ayaa ka hor timid go'aanka kasoo baxay Golaha Wasiirada ee Soomaaliya, oo Somaliland ku jirto lagaga saaray dowlada Imaaraatka Carabta, isla markaana lagu buriyay dhammaan heshiisyadii Imaaraatka lagula jiray. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in go'aanka ay dowlada Soomaaliya ku doonayso in dekeda Berbera lagaga eryo shirkada Imaaraatku leeyahay...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo buriyey dhamaan Heshiisyadii Dowlada Soomaaliya la gashay Imaaraadka Carabta
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u buriyay ama u baabi'iyay dhamaan heshiisyadii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku joogtay gudaha dalka Soomaaliya. Heshiisyada Xukuumadda Soomaaliya ay ka laabatay ama burburisay waxaa ku jira heshiisyada Imaaraadka Carabta ay ku joogan dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Somaliland, Puntland iyo Jubbaland. Warsaxafadeed kasoo baxay shirka Golaha Wasiiradda...









