Booliiska Somaliland oo war ka soo saaray dil ka dhacay Gobolka Salal

0

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal dil ka gaystay Gobolka Salal, kaas oo ay ku dhinteen laba nin, halka sidoo kalena lagu daba jiro eedeysanayaal kale. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in booliisku gacanta ku hayo kiiska dilka Yuusuf Cabdillaahi Xuseen iyo Mustafe Jaamac...

Ciidamada Kenya oo burburiyay xaruun shirkadda Hormuud ku lahayd gobolka Jubbada Hoose

0

Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn Soomaaliya, Hormuud Telecom, ayaa ku eedeysay ciidamada Kenya in ay burburiyeen mid ka mid ah xarumaheeda muhiimka ah ee shabakadda taleefannada gacanta, taas oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose. Shirkaddu waxay sheegtay in burburintaasi ay sababtay hakad ballaaran oo ku yimid adeegyada isgaarsiinta iyo kuwa maaliyadeed ee muhiimka ah, kuwaas oo...

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo Howlgallo Adag ka Wada Duleedka Kismaayo

0

Ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa wada howlgallo culus oo amni sugid ah kuwaas oo ka socda deegaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii hay’adaha amniga ay heleen xog sirdoon oo muujinaysa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayayeen inay dib isugu...

In ka badan 200 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo laga xoreeyay magafaha Libya

0

Hay’adaha ammaanka dalka Liibiya ayaa xoreeyay in ka badan 200 muhaajiriin ah, kuwaas oo lagu hayay xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra, ee ku taala koonfur-bari dalkaas, kaddib markii lagu hayay xaalado bani’aadannimo ka baxsan. Hay'adaha Ammaanka ee dalka Libya oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa sheegay in la helay xabsi dhulka hoostiisa ah, oo sida ay sheegeen...

Ciidanka dowladda oo howlgalo culus ka wada tuulooyin hoostaga deegaanka Jabad Godane

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa maanta howlgalo amni xaqiijin ah ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanka Jabad Godane oo Shalay dagaal culus ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Ciidamada ayaa howlgalada ka wada goobo la tilmaamay iney ku tuhunsan yihiin in weerarkii Shalay Al-shabaab kasoo qaadeen oo ku dhadhaw deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalkii...

Senegal oo Ku Guuleysatay Koobkeedii Labaad ee AFCON

0

Xulka Senegal ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika (AFCON) markii labaad taariikhdiisa, kaddib kulan kama dambeys ah oo xamaasad, muran iyo rabshado wata oo ay 1–0 kaga adkaadeen xulka martida loo ahaa ee Morocco, kaas oo ka dhacay garoonka Prince Moulay Abdellah ee magaalada Rabat. Ciyaarta ayaa gool la’aan ku dhammaatay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, hase yeeshee waxay gashay...

Imaaraadka oo agabkiisa militari kala baxay Muqdisho kadib maalmo lagu murunsanaa

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday inay qalab iyo agab militari kala baxdo Soomaaliya, iyadoo saddex diyaaradood oo xamuul ah oo sida agabka dowladdaas ay Khamiistii ka duuleen Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo la socda hawlgalkan. Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa caasimadda, kadib...

Dagaal ka Dhacay Mandheera Kadib Weerar Al-Shabaab ku Qaadeen Ciidamada Kenya

0

Dagaal ayaa ka dhacay gobolka Mandheera kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan ammaanka Kenya oo ku guda jiray roondo caadi ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalku billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo marayay meel u dhow...

In ka badan 10 xubnood oo Al-shabaab looga dilay howlgal laga fuliyay gobolka Jubbada Hoose

0

Ciidamada Kumaandooska Danab oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan Guutada Birjeex ayaa howlgalo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalo qorsheysanaa ka fuliyay dhowr goobood oo ku yaala galbeedka deegaanka Buula Xaaji iyo tuulooyinka kala ah Aaga Wadajir, Xaliimo Cadey, Boqoqaha, Karas Kukiye iyo Hajini. War qoraal ah...

Labo Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo Lagu Dilay Qarax miino oo ka dhacay Xadka Mandheera iyo Bulla Xaawo

0

Labo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa ku geeriyooday, labo kalena way ku dhaawacmeen kadib qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay xadka u dhexeeya Mandheera (Kenya) iyo Bulla Xaawo (Soomaaliya) fiidnimadii Arbacada. Qaraxa ayaa ka dhacay goobta lagu magacaabo Kulun Border Point Four, oo qiyaastii 100 mitir gudaha u jirta dhulka Kenya, halkaas oo askartu...