Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Islamabad kula kulmay Madaxweynaha Pakistan

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Aasif Cali Zardaari, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogo caasimadda dalkaas ee Islamabad, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u...

Baarlamaanka Carabta oo Ballanqaaday Dadaallo Siyaasadeed oo Lagu Taageerayo Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya

0

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal. Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Baarlamaanka Carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii...

Jubaland oo sheegtay in xaalad bini’adamnimo oo adag ay ka dhalatay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Kudha

0

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ay u dirtay hay’adaha samafalka iyo bahda gargaarka caalamiga ah, kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u daran oo ka dhalatay weerarro ay Al-Shabaab ka geysteen tuulada Kudha, oo hoostagta degmada Badhaadhe, una jirta qiyaastii 130km magaalada Kismaayo. Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarradaasi ay si ba’an...

Madaxweynaha Somaliland oo fursado maalgashi usoo bandhigay Eric Trump

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ku doonayo in uu ku kasbado aqoonsi caalami ah isla markaana uu caalamka u soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida Reuters qortay. Sida ay Reuters werisay, mid ka mid ah kulammada...

Turkiga oo Soomaaliya u Tababaraya Ciidamo cusub

0

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa Ciidamo cusub oo loo dhammaystirayo qalabka ay ku howlgalayaan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, ciidamadaan waxa ay isugu jiraan kuwa Badda, Cirka iyo Dhulka si loo xoojiyo amniga Dalka. Xukuumadda Ankara ayaa muddo kordhin u samaysay Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee amniga Dalka sugistiida qaybta ka qaadanaya, waxaa ciidankaas wehliya macallimiin kaalin wayn...

Madaxweyne Xasan sheikh oo maanta lagu wado inuu safar ku tago Addis Ababa

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta ambabaxo magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qeyb geli doono munaasabadda 90-guurada aas-aaska Ciidanka Cirka Itoobiya. Xafladaha dabaal-degga ah ayaa lagu wadaa inay socdaan inta u dhexeysa 23-ka illaa 27-ka Janaayo. Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in inta uu safarku socdo la qorsheynayo kulan gaar ah oo...

Jubbaland oo shaacisay iney si buuxdo ula wareegtay gacanta ku heynta magaalada Kudhaa

0

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa goordhaw si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kudhaa, sida lagu shaaciyay war kasoo baxay maamulka Jubnaland. Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay soo gabagabayeen xubno ka tirsan Al-shabaab  oo shalay gudaha u galay magaalada Kudhaa. "Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo si rasmi...

Hay’adda (MSF) oo ka digtay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad deg-deg ah oo caafimaad

0

Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad deg-deg ah oo dhinaca caafimaadka iyo nafaqada ah, taas oo ka dhalatay roobab la’aan soo noqnoqotay, sicir-barar ba’an oo ku yimid biyaha, iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid gargaarka bani’aadannimo. MSF ayaa sheegtay in saameynta abaarta iyo gaabiska deeq-bixiyeyaashu ay si gaar ah u...

Kooxda Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday magaalada Buurgaabo

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin magaalada Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka qaraxyada ku bilaawday ayaa kooxdu ku qaaday magaalada Buurgaabo oo ku taala dhanka xuduuda beemaadka au wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo sido kale...

Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah

0

Ciidanka Booliska degmada Afmadow ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay rag ku lug lahaa laynta iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaarta, kuwaas oo khatar weyn ku hayay duur-joogta deegaanka. Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali ayaa sheegay in raggan la soo qabtay ay horey isaga dhega-tireen digniino ku saabsan mamnuucidda xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah. Wuxuu yiri "Raggan waxaa lagu soo qabtay...