RW Xamsa “Lama aqbalayo in dhul dad ay leeyihiin Cagafyo loo keensado lagana qaato”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay Dadka ka cabanaya in dhulkooda ay ku qaadanayaan Shaqsiyaad lagu sheegay in ay yihiin Ganacasto iyo Dad kale kuwaas oo si qasab ah u barakcinaya. Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay in Cagaf la dul geeyo Dad deegaan ah...

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland oo Difaacay go’aanka DFS ay mushaarka ugu qortay ciidamo jooga deegaannada Dowlad-Goboleedkaas

0

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowlad-Goboleedka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa bannanka soo dhigtay xogta la xiriirta sababta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya mushaar ugu qortay ciidamo jooga qaybo kamid ah Deegaannada Maamulkaas. Xasan Shire ayaa difaacay go’aanka Dowladda ee la xiriira in ciidankaas laga dhigo heer Federaal maadaama Dowlad-Goboleedka Puntland ay ka jaratay Mushaarka, si aysan u kala tagin ayuu xusay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya: Raashinkii WFP ee Bakhaarka laga raray waa lagu celiyay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dhammaan agabkii gargaar ee Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee laga raray bakhaar ku yaalla Dekedda Muqdisho, xilligii ballaarinta dekedda, dib loogu celiyay hay’addaas. Bayaan saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ku taariikhaysan 26-ka Janaayo 2026, ayaa lagu sheegay in dowladda ay si buuxda u...

Dowladda Masar oo wajahaysa fadeexad kadib markii saraakiil ka tirsan ciidankeeda lagu arkay gudaha Israa’iil

0

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa si kooban u baahiyay sawirro muujinaya saraakiil ka tirsan Ciidamada Masar oo ku sugnaa xarun uu Maraykanku hoggaaminayo, oo taalla magaalada Kiryat Gat ee Israa’iil, taasoo dhalisay xasaasiyad diblomaasiyadeed iyo falcelin degdeg ah oo ka timid dowladda Masar. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Defence Security Asia, sawirradaas oo markii dambe si degdeg...

Uganda oo ku dhawaaqday in ay ka baxeyso Soomaaliya kadib 19 sano oo howlgallo nabad ilaalin ah ay u joogeen

0

Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay qorshe ay ciidamadaheeda uga bixinayaan Soomaaliya kadib 19 sano oo joogto ah oo ay ku jireen howlgallada nabad ilaalinta, taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimaada doorka dalkaasi ee ammaanka gobolka. Qoraal kooban oo uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiinay Twitter, General-ka Taliyaha Guud ee Ciidamada Uganda, Muhoozi...

Sarkaal Sare iyo Macallin iskuul oo Lagu Dilay Weerar ka dhacay Gobolka Garissa ee dalka Kenya

0

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin dugsi hoose ayaa lagu dilay habeenkii xalay weerar loo maleynayo inay geeysteen kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay degmada Hulugho, ee gobolka Garissa, taasoo sii kordhinaysa welwelka ku saabsan amniga ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya. Booliisku waxay sheegeen in labada qof, oo kala ahaa Sarkaalka Sare ee Degmada Boma iyo macallin aan...

MW Soomaaliya oo ka baaqday shirguddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shirguddoominta fadhiga guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maadaama Soomaaliya ay tahay Dalka hoggaanka u hayaha. Shirka Golaha Ammaanka ayaa Caawa ka dhacay Xarunta Golahaas balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqday barafka xooggan ee Maraykanka ka da’ay oo sababay in la joojiyo duullimaadka in ka badan 10...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed oo saameynaya Amniga Qaranka. Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe ayaa guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad, iyadoo ay soo xaadireen 145 Xildhibaan. Golaha ayaa cod u qaaday sharciga Seybarka Soomaaliyeed, 144 Xildhibaan ayaa oggolaaday sharciga, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin. Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa akhrinta labaad marsiiyey...

Cimilada Isbeddelaysa iyo Abaarta oo Nolol Adag Ku Reebay Barakacayaasha Gudaha Dalka

0

Abaaraha Soomaaliya ka jira oo ay sababto isbedelka Cimilada ayaa dadka iyo duunyada isku si u saameeyay, taasoo dhalisay in dadkii ay ka soo barakacaan deegaanadoodii kadib markii ay xoolohoodii oo ahaa hantida keli ah ay heysteen ka dhameysay abaartu ama beerahoodii ka ba’een roob la’aan darteed ama webiyadii oo guray. Qoysaskaas oo isugu jira haween, caruur iyo waayeel ayaa...

Kenya oo Ciidamo gaysay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa xoojisay ciidamada ka jooga Xadka ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada Al-Shabaab ay ka gaysanayaan gudaha Dalkaas iyo saldhigyada Ciidamo ee u dhow Soohdinta sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Militariga Kenya oo wata Gaadiid badan ayaa la sheegay in ay usoo gudbeen dhinaca Xadka Soomaaliya, waxaana la kordhiyay Ciidamada ka howlgalla goobaha ay...