Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ka Digtay Burburin lagu haayo Dhulkeeda ku yaala Degmada Hodan
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay digniin sharci oo ku saabsan burburin ka socota dhulkeeda ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Sida ay Jaamacadda kusoo saartay war-saxaafadeed ayaa waxa ay ku sheegtay in falalka burburinta ah ee lagu hayo dhulka Jaamacadda, oo ay ku jiraan adeegyada ardayda iyo gurigii guddoomiyaha, inay yihiin sharci-darro. War-saxaafadeedku wuxuu xusay in Jaamacaddu qaadayso...
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u baabi’isay waarankii soo qabashada Madaxweynaha Jubbaland
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga laabatay oo baabi’isay waarankii xarigga ee horay loogu soo saaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Warqad kasoo baxday xafiiska Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankan uu ku saleysnaa dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay Axmed Maxamed Islaam, iyadoo la tixraacay qodobbada 70/1 B/2, 76, 77 iyo 107/3 ee Xeerka...
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Taliye cusub u magacaabay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaral Odowaa Yuusuf Raage, sida lagu caddeeyay go’aan rasmi ah oo ka soo baxay Golaha Wasiiradda. Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u magacaabay Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaasoo si rasmi ah ula wareegaya hoggaaminta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. "Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Qiray Walaaca Mucaaradka Ee Hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qiray in mucaaradku ay qabaan walaac la xiriira habka loo maray dib-u-eegista Dastuurka, isagoo sheegay in wax-ka-beddellada la soo jeediyay si degdeg ah loogu gudbiyay Baarlamaanka, isla markaana aysan jirin wadatashi ku filan. Cabdullaahi Abukar Xaaji Carab, Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ahna xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-Eegista Dastuurka, ayaa u...
Maraykanka oo 23 duqayn ah bishaan Janaayo ka geystay Soomaaliya
Maraykanku ayaa Soomaaliya ka fuliyay 23 duqeyn tan sanadkan, kuwaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegtay AFRICOM. Afhayeenka AFRICOM, Major Mahalia Frost, ayaa sheegay in kororka weerarrada uu la xiriiro dadaal ballaaran oo Maraykanku ka wado qaaradda Afrika si looga hortago kooxda Daacish, oo ay ka mid yihiin duqeymo dhawaan laga fuliyay Nigeria. Maraykanku wuxuu kaloo sheegay in...
Qorshaha Gargaarka Soomaaliya oo Hoos u Dhacay
Afhayeenka QM Stéphane Dujarric ayaa sheegay in la bilaabay Qorshe Gargaar Bani’aadannimo oo Soomaaliya loogu talagalay sannadka 2026, kaas oo ku kacaya $852 milyan. Lacagtan waa 40% ka yar tii la codsaday sannadkii hore, waxaana lagu caawinayaa 2.4 milyan oo qof. Dujarric wuxuu sheegay in hoos u dhaca lacagta uusan ahayn sababtoo ah baahiyaha dadka oo yaraaday, balse uu ka...
DEG DEG: Buuq xooggan oo hareeyay kulanka BF Soomaaliya
Xaalad adag iyo jahwareer ayaa maanta ka taagan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, halkaas oo ay kulan wadajir ah ku leeyihiin xildhibaannada labada Gole. Kulankan oo aan weli si rasmi ah u furmin ayaa waxaa hareeyay buuq ay sameynayaan Xildhibaannada diidan in Golaha la horgeeyo wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka KMG Ah oo dhawaan loo...
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta fadhi ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka
Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ayaa maanta fadhi wadajir ah ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan lagu wareejiyay Guddiga u qaabilsan dastuurka. Xildhibaannada & Senatarrada ayaa ku kala aragti duwan qabyotirka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad iyo hannaanka loo marayo dooddaan, waxa ay si hordhac ah u...
Booliiska Maraykanka oo xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar
Booliiska Dalka Maraykanka gaar ahaan kan Minneapolis ayaa xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka qaybgalaysay kulan dadweyne oo looga doodayay culayska ka dhashay howlgallada & rabshadaha is dhinac socda ee Gobolka Minnesota. Ninkaan la qabtay ayaa soo aaday dhinaca Xildhibaan Ilhaan Cumar isaga oo buufiyay walxo la sheegay in ay lahaayeen ur aad u darran balse weli la...
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida iyo Dambiyada culus ee Dawlada Jubaland oo maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida iyo Dambiyada culus ee Dawlada Jubaland waxay maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah oo uu eedaysane ka yahay Diiriye Bishaar Cabdullahi, 23 jir ku dhashay tuulada Deg-Elema oo hoos timaada degamada Dhoobley, kaas o ku eedaysan gaysashada dilal kala duwana oo gaadhaya ilaa 2 dil, dhaawac, dhac, jid gooyo, budhcadnimo, lunsasho hub dawladeed iyo...









