DFS oo dib u celisay Ciidankii hubaysnaa ee Siciid Deni & Axmed Madoobe iska soo hormariyeen

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dib u celisay diyaarado waday Ciidamada hubaysan oo kasoo duullay Garoowe & Kismaayo isla markaana hordhac u ahaa Siciid Deni iyo Axmed Madoobe. Daqiiqado kahor inta aan la celin ciidankaan waxaa Baraha Bulshada lasoo geliyay iyaga oo kasoo safraya Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo isla markaana hubaysan halka qaarkood dhammaan jirkooda ay dahaaran...

Madaxweyne Siciid Deni oo ku dhawaad 4 sano kaddib u safraya Muqdisho si uu uga qeyb galo gogosha wada-hadalka Dowladda Federaalka

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saakay u safraya magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qeyb galayo gogol wada-hadal ah oo ay dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Gogoshan ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho u sii diray  ciidamo ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus,...

DFS oo xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Hirshabeelle

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘Al-Shabaab’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe sida looga hortago is uruursiga ay halkaas kawadaan. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhacay howlgallo isugu jiray duqaymo iyo kuwo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee Federaalka & Dalalka ka...

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dawlada Jubaland oo maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah

0

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dawlada Jubaland waxay maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah oo uu eedaysane ka yahay Ramadaan Maxamed Xirsi 28 jir ah, ku dhashay Dhoobley, dagana Afmadoow, kaas o ku eedaysan gaysashada dil uu ugaystay marxuum Dr. Aadan Cabdi Bashiir 55 ahaa, ku dhashay daganaana Afmadoow 13/1/2026, abaare 2 saac oo fiidmo. Fadhiga...

Maraykanka oo ballaarinaya hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Geeska Afrika

0

Maraykanka ayaa bilaabay mashruuc ballaarin ah oo lagu sameynayo garoon diyaaradeed oo ku yaalla saldhig ciidan oo ku yaalla Kenya, meel u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ku kacaya $70 milyan. Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Geeska Afrika. Saldhigga cirka ee Manda Bay, oo hoos yimaada Ciidamada Difaaca Kenya kuna yaalla ismaamulka Lamu, ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Jigjiga ku soo dhaweeyay madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo Itoobiya u yimid ka qeybgalka munaasabadda furitaanka mashaariic horumarineed. Labada madaxweyne ayaa si diirran oo maamuus leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Jigjiga, iyadoo ay wehliyeen masuuliyiin sare iyo wufuud heer sare...

Ingiriiska oo xaqiijiyay in dalkiisa ay kusoo degtay Diyaarad nooca sahmiya Nukliyeerka oo Maraykanka uu leeyahay

0

Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay in Diyaarad nooca baara nukliyeerka meelaha la dhigi karo oo Dowladda Maraykanka ay leedahay ay ka degtay Garoon Diyaaradeed oo ku dhex yaalla Saldhig Ciidanka Ameerikaanka ah ay ku leeyihiin Gobolka Suffolk ee dhaca Bariga Britain. Wargayska The Telegraph ayaa Warbixin uu ka qoray sheekadaan waxa uu sheegay in sidaan oo kale diyaaraddaan ay ugu soo...

Abiy & Cagjar oo maanta xarrig jaraya Mashruuc laga hirAbiy & Cagjar oo maanta xarrig jaraya Mashruuc laga hirgeliyay Duleedka Jigjigageliyay Duleedka Jigjiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar ayaa maanta si wadajir ah u xarrig jaraya Mashruuc dhaqaale badan ku baxay oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Jigjiga gaar ahaan Deegaanka Shabeeley. Mashruucaan ayaa ka kooban goobo dalxiis iyo meelo kale oo u furan maalgelinta qof weliba oo doonaya in uu dhaqaale gashto, lacagta ku baxday mashruuca...

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u diray kooxaha burcad badeedda Soomaalida

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag oo ku wajahan kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doono oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah. Wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u...

Prof Samatar “Isma qabato in Somaliland ay ku dooddo gumaad ayaa naloo gaystay & Israa’iil ayaa soo dhaweysaneynaa”

0

Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo xubin ka ah Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana deegaan doorashadiisu tahay Gobollada Waqooyi Galbeed ayaa Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay in uu dhibaato xooggan uu geliyay Deegaannada Maamulkaas. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in ay nasiib darro ku tahay Cabdiraxmaan Cirro in uu Israa’iil u fududeeyo sidii ay Muslimiin kale ka dhex...