Shacabka Muqdisho oo 58 sano saaka u dareeray Doorasho Qof & Cod ah oo lagu muransanyahay
Dadka ku nool Magaalada muqdisho ee Caasimadda soomaaliya ayaa saaka u dareeray Doorasho qof iyo cod ah oo lagu muransanyahay ay ku dooranayaan Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir. Muqdisho waa Bandoow, waxaa xiran Waddooyinka, Goobaha Ganacsiga, Waxbarshada, Ilaha Dhaqaalaha sida Garoonka & Dekedda sabab la xiriirta Doorashada Dadweyne oo keliya waxaa socda Gaadiidka fasaxa u haysta ee adeeggaya. Ammaanka ayaa...
Golaha Samatabixinta Qaranka “Doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir Waa Mid Hal Xisbi Isku Caana Shubayo”
Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa si adag uga hadlay doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir ee lagu wado inay berrito ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid aan ahayn doorasho xor iyo xalaal ah, balse ah qorshe hal dhinac iyo hal xisbi uu wato, laguna marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in doorashada...
Fiiso La’aan: Mareykanka oo Cunaqabateyn Saaray Ololeyaal La-dagaallama Wararka Been Abuurka
Dowladda Mareykanka ayaa diiday fiisaha gelitaanka shan qof oo u ololeeya arrimaha dijitaalka, kuwaas oo ay ku jiraan labo muwaadin oo u dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK). Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay in shaqsiyaadkan ay cadaadis ku saareen shirkadaha baraha bulshada ee Mareykanka si ay u xaddidaan aragtiyo ay iyagu ka soo horjeedaan. Labada qof ee u dhashay UK ayaa kala...
isticmaalka Baraha Bulshada iyo Nabadda
ka fikir inta aadan qorin,lawadaagin,ama faafin ka fiiso ka ho inta aadan wax soo dhigin U Isticmaal baraha bulshada mideyn Ha u isticmaalin kala qay-bin. Noqo cod nabadeed iyo isku-duubnin bulsho #DigitalResponsibility #YouthForPeace #barahabulshadaiyonabadda
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baaq u diray Hay’adaha Gargaarka si Loo Taageero Dadka ay Abaartu Saameysay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa soo saaray baaq madaxweyne oo ku aaddan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, taas oo saameyn ba’an ku yeelatay nolosha shacabka, gaar ahaan reer guuraaga iyo beeraleyda. Baaqan oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kuna taariikheysan Baydhabo 24-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in abaartu...
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan qalqal galin dadweyne
Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda eedaysann qalqal galin dadweyne. Askariga ku eedeysan qalqal galinta dadweyne ayaa lagau magacaaba Dable Xuseen Idoow Cabdullaahi, kaasoo dad shacab ahaa ku qalqal galiyay goob ay ku sugnaayeen, isagoona xabado ka dhex furay. War qoraal ah oo kasoo...
Mareykanka oo kashifay sir culus oo Soomaaliya ah iyo khasaaraha 8,000 askari oo…
Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday xog xanuun badan oo muujineysa in 8,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka muddada 18-ka sano ah ka socda Soomaaliya. Tiradan naxdinta leh ayuu Mareykanku u cuskaday dalabkiisa adag ee ah in la dejiyo istiraatiijiyad “macquul ah” oo ciidamada shisheeye ay dalka...
Dabley dad shacab dhimasho iyo dhaawac ugu geysatay Galgaduud
Laamaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku raadjooga Koox hubaysan oo weerar jidgal ah ku qaadday Gaari noociisu yahay Toyota Probox oo u socday Aroos kaasoo marayay duleedka Deegaanka Laanjabane ee Gobolka Galgaduud. Inta la xaqiijiyay weerarkaas waxaa ku dhintay 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana dadka dhaawaca soo gaaray loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee...
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka 2026
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo si rasmi ah u ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba doollar). Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka Miisaaniyadda Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaan Cabdi Warsame...
In ka badan 4.6 Milyan oo qof oo abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen
In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya taas oo u dhiganta ku dhowaad rubuc dadweynaha, ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda abaaraha, sida ay sheegeen UNka. “Saaxiibada gargaarka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 120,000 qof ay barakaceen intii u dhaxaysay Sebtembar iyo Diseembar, iyadoo qiimaha biyuhu sare u kacayo, cuntadu sii yaraanayso, xooluhuna dhimanayaan, ilihii...









