Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa masiibo ka dhalatay hoggaan-xumo
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mohamed Hussein Oogle ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysoa masiibo qaran oo ka dhalatay hoggaan-xumo, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo oo ay ka socota soo dhowaynta wafuudda shika Kismaayo, wuxuu sheegay in rajadii laga qabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aysan maanta...
Senator Dubbe oo sheegay in nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya uu dhibaato ku hayo dadka reer Somaliland
Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsan Aqalka Sare, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay wajahayaan dhibaatooyin dhinaca socdaalka ah, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa). Dubbe waxa uu sheegay in xaaladda fiisaha ay weli taagan tahay, isaga oo go’aanka dowladda federaalka ku tilmaamay kii ugu liitay ee ay waligeed gaadho. Waxa uu xusay in...
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay loogu geystay Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho qof shacab ahaa. Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda, waxaana marxuumka la dilay lagu mgacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Muuse oo dilkisa loo sababeeyay muran soo kala dhex galay isaga iyo askriga. Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga...
Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika oo ka dooday xaaladda Soomaaliya
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeynta howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee dalka, iyadoo sidoo kale la isla gartay in xaaladda maaliyadeed...
Turkiga oo dib u dhigay taageeradii miisaaniyadeed ee uu siin jiray Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dib u dhac ku yimid kaalmadii miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Turkiga, iyadoo Wasiirka Maaliyaddu xaqiijiyay in lacagtaasi aan weli la helin sanadkan. Wasiir Bixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Turkiga, oo kamid ah saaxiibada safka hore ee Soomaaliya, ayaan weli bixin taageeradii miisaaniyadeed ee sanadlaha ahayd, xilli...
DG Jubbaland oo ciidan dheeraad ah gaysay duleedka Kismaayo
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay Duleedka Magaalada Kismaayo si ay u xoojiyaan Amniga Magaaladaan martigelineysa shirka mucaaradka ee halkaas ka dhacaya sida ay sheegeen ilo kala duwan. Ciidamadaan ayaa lagu xoojiyay askartii horay u baaraysay gaadiidka u gudba Magaalada Kismayo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland si amniga sare ugu qaadaan sida warka loo dhigay. Qaar kamid ah...
Dowladda Soomaaliya oo illaa iyo hada aan qaadin wax tallaabo dhacdadii ka dhacday Ceelasha Biyaha
Dowladda Federaalka ayaan illaa iyo qaadin wax tallaabo ah oo ay kaga falcelineyso dhacdadii ay shacabku ka argagaxeen ee Axaddii ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Ciidamada Booliska ayaa dhacdo ugub ah ka gaystay deegaankaasi, ka dib markii ay dileen Allaha u naxariistee Bashiir Cabdullaahi Macalin Xuseen...
Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug oo Qaadacay Tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada
Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka qeyb geli doonin tartanka kubadda cagta Dowlad Goboleedyada dalka, iyagoo sabab uga dhigay maamul-xumo, isla xisaabtan la’aan iyo taageero la’aan ay ku eedeeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug ayaa si cad ugu eedeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiino, inuu ku...
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan dilka Wiil safar u ahaa dalka Mareykanka
Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo loo haysto inuu ku dilay habeen hore degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay mooto Bajaaj. Eedeysanahan oo ay gacanta kusoo dhigan ciidanka Booliiska ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Geedi oo ku eedeysan...
Kismaayo oo Martigelinaysa Shir Muhiim ah
Kismaayo, caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweysay wafdigii ugu horreeyay ee ka qaybgalaya shirka Mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo furo berri oo Arbaco ah, kuna beegan 17-ka bisha Diseembar. Wafdiga maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaa hoggaaminayay xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, waxaana Garoonka...









