Askari magaalada Muqdisho ku dilay wiil Bajaajle ahaa oo ku guuleystay Lottery-ga Mareykanka
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Muxumed. Dilka wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa Xalay ka dhacay waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii lagu soo tababaray dalka Eretariya. Allah u naxariiste marxuumka dhintay ayaa...
Shir Taliyayaasha AUSSOM uga Furmay magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Taliyayaasha Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee hawlgalka, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista guud ee amniga, horumarka la gaaray iyo caqabadaha weli taagan, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Shirkan ayaa kulmiyay hoggaanka shanta qaybood ee Hawlgalka AUSSOM, kuwaas oo ka wada hadlay sidii...
Biriq ku dhacday Ismaamulka Gaarisa oo labo qof dishay
Deegaanka Harboole ee Degmada Faafi Ismaamulka Gaarisa waxaa biriq ku dhacday ay dishay labo qof oo mid kamid ah uu yahay Nin da’ ah sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah oo xogtaan Warbaahinta la wadaagay. Xiligii biriqda ay dhacaysay waxaa da’ayay roob goos goos ah, labada qof ee geeriyootay ayaa bannaanka uga soo baxay gurigooda waxaana ku...
Ra’iisul Wasaaraha Australia oo ku hanjabay in la adkaynayo sharciga xakamayna Hubka
Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanene ayaa ku hanjabay in Xukuumaddiisa ay xoogga saarayso adkaynta sharciga mamnuucaya hubka, kaddib markii 15 qof lagu toogtay Xeebta Bondi Beach ee Magaalada Magaalada Sydney. Australia waxa ay kamid tahay dalalka hubka caadiga uu ka yahay isla markaana uu qofka soo iibsan karo, soona qaadan karo, inkasta oo hubka daran-dooriga u dhaca ee khasaaraha badan...
Maxkamaduhu ma awoodaan in ay dhagaystaan tabashooyinka la xiriira Doorashooyinka?
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sheegay in maxkamadaha ay ka garnaqi karaan tabashooyinka ka yimaada Xuquuqda Dastuuriga ah ee Muwaadinka ku waayo Doorashada. Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in qof weliba uu leeyahay xuduud uusan ka gudbi Karin, sidaas oo kale xuquuqdiisa uu xaq u leeyahay in uu helo, doorashadana ay kamid tahay,...
Midowga Yurub oo billaabay qorshe cusub oo looga hortagayo tahriibayaasha sii kordhaya
Ururka Midowga Yurub ayaa billaabay qorshe cusub oo lagu sheegay in looga hortagayo kororka tahriibayaasha uga gudba dhinaca Qaaradda Afrika kuwaas oo xaalado kala duwan la kulma muddada ay safarka ku jiraan. Dalal badan oo xubno ka ah Ururka Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah ka yeeshay siyaasadda cusub ee looga hortagayo dadka tahriibayaasha ah ee sanadkaan la tilmaamay in...
Beesha Caalamka oo Maamulka Jubbaland kala hadashay shirka lagu qabanayo Kismaayo
Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo James Swan iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulan looga hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo sidii loo xallin lahaa tabashooyinka jira. Axmed Madoobe ayaa...
Somaliland iyo Faransiiska oo ka hawada hadlay xoojinta xidhiidhkooda
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dowladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Romain JOLY, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Weftigan ka socday Faransiiska ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay weftiga booqashadooda, isaga oo...
Abaarta Xoogan ee Puntland oo Sababtay Kororka Qiimaha Maciishadda iyo Dhibaatooyin Nolosha ah
Abaarta xoogan ee ka taagan deegaanada maamulka Puntland ayaa keentay in qiimaha maciishadda daruuriga ah uu si weyn kor ugu kaco, iyadoo dadku wajahaan dhibaato nololeed oo isa soo taraysa. Deegaannada sida Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo dhulalka miyiga ayaa si gaar ah u saameysay yaraanta biyaha iyo daaqa xoolaha, taasoo saameyn toos ah ku yeelatay helitaanka raashinka iyo nolosha dadka. Shacabka...
Guddoomiye Muungaab “Xamar way ka gudubtay nabadgalyo-darro, Doorasho qof & Cod ah waxa aan ahayn nooma furna”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Caasimadda ay kasoo kabatay dhibaatooyinkii ka dhex jiray muddo kahor, waxa uu bogaadiyay cid weliba oo qayb ka qaatay nabadda hadda ka jirta. Muungaab ayaa sheegay in ay jiraan Dad uu ku sifeeyay in ay siyaasad ka dhex raadinayaan nabadgalyo darro ka dhacda taasina aan dan...









