Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in dhowaan lasoo dhammaystirayo 10ka kun ee macallin
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dhowaan ay soo dhammaystiri doonnaan tirada ka dhiman 10ka kun ee Macallin ee Horay Wasaaraddu u ballanqaadday. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 22kii Nofeembar 2025 ka qaybgalay maalinta Maalinta Soomaaliyeed oo maalin kahor xiligaas ku beegnayd ayaa sheegay in Wasaaraddu soo dhammaystirto tirada...
Koonfur Galbeed oo dil toogasho ah ku fulisay askari laba doolar darteed u dilay qof shacab ahaa
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ku fuliyey askari ka tirsanaa ciidanka Booliska gaarka ah ee maamulkaas oo dhawaan qof shacab ahaa u dilay lacag dhan laba doolar. Askarigan xukunka toogashada lagu fuliyay ayaa nin masaafur ahaa oo gaarigiisa wata u dilay lacag $2 doolar aheyd oo uu baad ahaan uga qaadan rabay. Dilka ayaa ka dhacay degmada Berdaale...
Raysal Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirrada
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii hore, waxaana sidoo kale lagu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada. Wareegtada waxaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loogu magacaabay Danjire...
Golaha Shacabka oo loo gudbiyay wax ka baddel lagu sameeyay Sharciga Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS waxaa maanta la horgeeyay sharciga Boliiska Soomaaliyeed oo wax ka baddel lagu sameeyay, waxaa qodobada qaar doodo ka keenay Xildhibaanno katirsan Golahaas oo dul istaagay qodobadaas. Xubno katirsan Guddiga Arrimaha Gudaha & Amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u yeeri doonnaan Saraakiisha Ciidamada Xukuma si ay su’aalo uga weydiinayaan arrimo aysan sii...
Ciidamada ammaanka DG Puntland oo baaraya Doon ay ku qabteen Budooyinka qaraxyada & Dad la socday
War kasoo baxay Ciidamada Badda Dowlad-Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Degmada Xeebta leh ee Eyl in lagu qabtay Doon wadday Budooyinka loo adeegsado Qaraxyada iyo 7 ruux oo la socotay. Dadka la qabtay ayaa la sheegay in 5 kamid ah ay yihiin Soomaali halka 2 kalena ay u dhasheen Dalka Yemen kuwaas oo haatan...
Ciidamada Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose
Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ka fuliyay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab. Howlgalkaan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen magaalada Qooqaani ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayay amniga guud ee magaaladaas iyo deegaanada ku dhadhaw. Taliyaha amniga magaalada Qooqaani Maxamuud Aadan Xasan Gaaboow oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu qayb ka ahaa...
Turkiga oo sheegay inuu bilowday dhismaha saldhiga laga diri doono Dayax gacmeedyada
DowladdaTurkiga ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha saldhigga hawada sare ee laga gano gantaallada iyo dayax-gacmeedyada, kaas oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Ankara ay si xowli ah ugu socoto inay noqoto quwad kusoo biirta tartanka hawada sare ee caalamka. Guddoomiyaha shirkadda Baykar, Selçuk Bayraktar, oo ka hadlayay shirkii Take Off İstanbul...
XFS oo Dalal kala duwan kala kaashanaysa xal u helista xaaladaha ka dhashay Abaaraha
Xukuumadda Dan-Qaran ayaa billowday kulamo xal loogu raadinayo xakamaynta abaaraha ka jira qaybo kamid ah Dalka, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maalmo gudahood kula kulmay wakiillo kala duwan oo danaynaya ka qaybgalka arrintaan. Xamsa Cabdi Barre ayaa fadhi gaar ah la qaatay Safiirrada Dalalka Shiinaha, Ruushka, Qatar, Imaaraatka Carabta, Masar, Sacuudi Carabiya & Hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya...
Deg Deg:-Eritrea oo Go’aansatay Inay Ka Baxdo IGAD
Dowladda Eritrea ayaa maanta ku dhawaaqday inay ka baxday xubinnimada urur gobolleedka IGAD, kaddib warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Eritrea ayaa ku eedeysay IGAD inuu lumiyey doorkiisii sharci iyo awooddii looga baahnaa inuu kaga qeyb qaato xasilloonida gobolka. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri: “Eritrea waxay isu aragtay inay ku qasban tahay inay ka...
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay ajandaha shirka Kismaayo
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay ajandaha shirka mcuaaradka isugu imaan doonaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ujeeddadiisu tahay in la helo aragti mideysa mucaaradka Soomaaliya. Shariif Sheikh Axmed ayaa tilmaamay in shirka Kismaayo uu diiradda saarayo in la helo hannaan doorasho oo suurtagal ah, caddaalad ah oo ay bulshada oo dhami ka qaybqaadan karto. Wuxuu si...









