Home WARARKA ICRC oo ka digtay fatahaado ka dhasha El Niño oo malaayiin Soomaali...

ICRC oo ka digtay fatahaado ka dhasha El Niño oo malaayiin Soomaali ah u horseedi kara gaajo daran

3
0

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa ka digay in roobabka ka badan heerka caadiga ah iyo fatahaadaha la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan ay sii xumeyn karaan xaaladda gaajada, ayna dhibaato hor leh ku keeni karaan malaayiin qof.

ICRC ayaa sheegtay in ifafaalaha cimilada ee El Niño uu saameyn ku yeelan karo roobabka deyrta ee bilaha Oktoobar ilaa Diseembar 2026, taas oo kordhin karta halista fatahaadaha, gaar ahaan deegaannada ku teedsan webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Guddiga ayaa tusaale u soo qaatay beeraleyda ku nool tuulada Bayahaaw, duleedka magaalada Jowhar, kuwaas oo wajahaya xaalad adag oo u dhexeysa inay beerahooda abuuraan iyaga oo halis ugu jira in fatahaaduhu baabi’iyaan dalagyada, ama ay beeraha bannaan uga tagaan cabsi ay ka qabaan khasaaraha ka dhalan kara.

Sida ay ICRC sheegtay, fatahaadihii Soomaaliya ku dhuftay sannadkii 2023 ayaa saameeyay ku dhowaad laba milyan oo qof, halka in ka badan 500,000 oo qof ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan.

Guddigu wuxuu sidoo kale ka digay in fatahaadaha ka dhasha roobabka culus ay jebin karaan difaacyada webiyada, isla markaana ay baabi’in karaan ilaha nololeed ee bulshada, ayna sababi karaan in tuulooyin dhan ay biyuhu qariyaan.

Warbixinta ugu dambeysay ee kala-soocidda heerarka haqab-beelka cuntada ee IPC ayaa muujinaysa in roobabka ka badan caadiga iyo fatahaadaha ka dhasha ay sii xumeyn karaan xaaladda cunto-yarida dalka. ICRC waxay intaas ku dartay in qiyaastii 3.3 milyan oo qof oo ku nool xeryaha barakacayaasha ay wajihi karaan dhibaatooyin hor leh.

Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabay tallaabooyin loogu diyaar-garoobayo fatahaadaha, iyaga oo ka faa’iideysanaya casharradii laga bartay musiibadii 2023. Si kastaba ha ahaatee, ICRC waxay sheegtay in awoodda hawlgallada bani’aadannimo ay hoos u dhacday sababo la xiriira dhimista maalgelinta gargaarka.

Antoine Grand, madaxa ICRC ee Soomaaliya, ayaa sheegay in diyaar-garowga iyo xog-ururintu ay ka wanaagsan yihiin sidii ay ahaayeen sannadkii 2023, balse uu jiro walaac la xiriira hoos u dhaca maalgelinta iyo awoodda hay’adaha gargaarka.

ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo loogu diyaar-garoobayo fatahaadaha, waxaana ka mid ah qaybinta jawaano ciid ah, kaydinta agabka hoyga, maro-kaneecada iyo agabka nadaafadda, iyo diyaarinta sahay caafimaad iyo nafaqo oo la gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee meelaha halista ku jira.

Sidoo kale, mutadawiciinta Bisha Cas ee Soomaaliyeed ee ku sugan Kismaayo, Baardheere, Jowhar iyo Beledweyne ayaa la siiyay tababar la xiriira adeegsiga doomaha si ay uga qayb qaataan gurmadka haddii ay fatahaado dhacaan.

El Niño waa dhacdo cimilo oo soo noqnoqota, taas oo ka bilaabata Badweynta Baasifigga kuna yeelan karta saameyn cimilo oo kala duwan dalal badan oo dunida ah. Soomaaliya, waxaa laga cabsi qabaa inay kordhiso roobabka deyrta iyo halista fatahaadaha bilaha soo socda.

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli malaayiin qof oo Soomaali ah ay durba la tacaalayaan barakac, cunto-yari iyo duruufo nololeed oo adag, taas oo sare u qaadaysa baahida loo qabo diyaar-garow degdeg ah iyo gargaar bani’aadannimo oo ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here