Home WARARKA In ka badan 1.6 Milyan oo Xujey ah oo soo gaaray dalka...

In ka badan 1.6 Milyan oo Xujey ah oo soo gaaray dalka Sacuudi Carabiya

3
0

In ka badan 1.6 milyan oo xujey Muslimiin ah ayaa gaaray dalka Sacuudi Carabiya si ay u gutaan waajibaadka sannadlaha ahee Xajka.

Tiradan ayaa muujinaysa kororka xujeyda ka soo qulqulaya daafaha caalamka ee ku wajahan magaalada barakaysan ee Maka.

Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay kor u qaadeen tallaabooyinka amniga iyo kuwa lagu xaqiijinayo badqabka dadweynaha, si loo maareeyo saxmadda weyn ee ka jirta guud ahaan goobaha barakaysan.

Waxaa la geeyay ciidamo dheeraad ah iyo shaqaale caafimaad si loogu adeego malaayiinta qof ee gudanaya rukunka shanaad ee Islaamka.

Gudashada waajibaadka Xajka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u bilaabato maalmaha soo socda, iyadoo xukuumadda Sacuudigu ay ballan-qaaday inay isticmaalidoonto tignoolajiyad casri ah si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa xujeyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here