Dalka Itoobiya oo dadkeedu yahay 139 Milyan waxa ay maanta u tahay maalin doorasho balse uga duwan doorashooyinkii dalkaas soo maray tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii boqortooyada waa sanadkii 1991dii.
Sababta keentay in doorashadu ay aad u liidato waa colaadda sokeeye ee dalkaas oo saamayn taban ku reebtay amniga iyo in lasii ogyahay inuu Abiy Ahmed ku shubanayo doorashada oo Xisbigiisa uu helayo codadka ugu badan ee kuraasta Baarlamaanka.
49 jirka Itoobiya hoggaaminaya tan iyo sanadkii 2018kii ayaa dalkiisa gaarsiiyay horumar iyo dib u dhac iyada oo dad badan oo gudaha Dalkaasi ku sugan ay ku dhaliilayaan murankii ka dhashay Doorashadii 2020 ee ilaa haatan raadadkii colaadda ahaa ee laga dhaxlay ay muuqdaan.
50 Milyan oo Itoobiyaan ah ayuu sheegay Guddiga Doorashooyinka in ay isu diiwaangeliyeen doorashadaan balse waxaa jira warbixinno liddi ku ah arrintaan oo tirada dadkaas ka yaraynaya maadaama Gobolka Tigray oo idil aanay laga codayn doonin.
Xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali ayaa ku tashanaya kuraas badan oo dhankooda loo tirinayo kuwaas oo ka dhigaya in mar kale uu hoggaamin doonno Xukuumadda 5ta sano soo socota waa haddii uu helo natiijada codadka ugu badan.



