NIRA Card Kaarkan oo muhiim u ah helitaanka adeegyada Dowladeed sida dhalashada, baasaboorka, iyo aqoonsiga rasmiga ah, ayaa noqday il dhib iyo laaluush dad badan ay kala kulmaan maalin kasta. Hooyooyin u seexda habeeki iyo arday badan kuna silicsan helida Kaara ayaa jidadka qarkiisa habeenki ku barya.
Goobaha laga bixiyo waa kuwo aad u yar, taas oo sababtay in dadku safaf dhaadheer iyo maalmo badan sugaan kaaran,lagana qaato lacago baadaa.
Qaar ka mid ah shaqaalaha ama dad u dhow nidaamka sida askarta waxay dhigteen xeer la yiraahdo berri ha soo noqonin safna ha gelin oo macmaheedu yahay bixi lacag dhan $10,25 ilaa 50$.
Arday,Aabbe xammaali ah hooyo shaah karisa,qof dhallinyaro ah ma Awoodaan in ay bixiyaan qarashkaas faraha badan ee laga rabo.Sigaar ah Habeenku waxay ku suganyihiin halis Amni.
Mararka qaar hooyooyin subixi baxa ee sida a ay ugu jiraan safka qoraxdu ugu dhacdo, sababtoo ah waxaa loo Adeegayaa dadkii lacaga ha laaluusha ah la baxay,Habeenkii waxay ku gaaraan siddeed saac taasi waa halis iyo qatar nafeed.
Dadki oo hadda ku soo wada baraarugay kaarka laguna xujeeyey in ay qaataan,Goobaha laga qaato kaarka oo aad u yar.
shaqaalaha oo mushaar la’aan ah oo dadka baaranayo kuna mashquulay qaadashada laaluush.
waqtiga hey’addu u qabatay oo kooban in ay dadku ku qaataan kaarka si bilsaaha for free.
Nidaam iyo dabo-gal shaqo oo togan oo aan ka jirin gudaha iyo dibadda xarumaha hey’adda.



