Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay sii kala fogaanaya iyadoo labada dhinac ay si cad ugu kala aragti duwan yihiin qodobo asaasi ah.
Mowqifka Golaha Mustaqbalka
1. Dastuurka Qaranka
Golaha Mustaqbalka wuxuu ku adkeysanayaa in Dastuurka ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay dastuurka sharciyeysan ee dalka u yaalla, isla markaana wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo uu ku yimaado heshiis qaran oo loo dhan yahay.
2. Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada
Doorashooyinka dowlad-goboleedyada harsan waa in lagu qabtaa iyadoo si buuxda loo ilaalinayo mabaadi’da federaalka iyo awoodaha dastuuriga ah ee labada heer dowladeed (Federaal iyo Dowlad-Goboleed).
3. Doorashada Federaalka
Goluhu wuxuu qabaa in heshiis siyaasadeed laga gaaro:
• Hannaanka doorashada,
• Jadwalka doorashada,
• Maamulka iyo hirgelinta doorashada
Baarlamaanka Federaalka.
Heshiiskaas waa in la gaaro ka hor 14-ka Abriil, inta uusan dhammaan muddada Baarlamaanka. Doorashaduna waa inay noqotaa mid:
• Daahfuran,
• Loo dhan yahay,
• Ka matalaad ballaaran kuwii hore,
• Lana fulin karo inta ka harsan muddada dastuuriga ah.
Mowqifka Dowladda Federaalka
1. Wax-ka-beddelka Dastuurka
Dowladda Federaalka, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,waxay qabtaa in geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka uu sii socdo, iyadoo Golaha Mustaqbalka laga sugayo inay soo gudbiyaan qodobada ay ka aragti duwan yihiin si dood rasmi ah loogu daro.
2. Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada
Dowladdu waxay dooneysaa in doorashooyinka dowlad-goboleedyada lagu qabto qodobada ku jira dastuurka wax laga beddelay, isla markaana ay maamulaan guddiga doorashada ee lagu dhisay dastuurka cusub.
3. Doorashada Federaalka
Dowladdu waxay soo jeedineysaa in la magacaabo guddi hawshiisu ku egtahay talo-bixin iyo soo jeedin ku saabsan hannaanka doorashada federaalka.
Guud ahaan, kala aragti duwanaanshahan ayaa u muuqda mid sii kala fogeynaya dhinacyada, iyadoo wali la sugayo isku soo dhowaansho siyaasadeed oo horseedi kara heshiis qaran oo waara.



