Home WARARKA Lacagta Shilin Soomaaliga oo Isticmaalkeeda oo weli Laga Diiday Magaalada Muqdisho

Lacagta Shilin Soomaaliga oo Isticmaalkeeda oo weli Laga Diiday Magaalada Muqdisho

3
0

Ganacsatada magaalada caasimadda Muqdisho, ayaa si rasmi ah u joojiyay qadashada lacagta shilinka Soomaaliga, taasi oo ay cabasho xooggan ka muujiyeen shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, go’aankan ayaa si deg deg ah uga dhaqan galay suuqyada waawayn ee kuyaal caasimadda, waxaa sidoo kale shilinka Soomaaliga iska diiday wadayaasha gaadiidka dadweynaha, sida Bii-elka, iyo goobaha kale ee ganacsiga ee ku yaala muqdisho.

Maqaayadaha laga cunteeyo ee magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha laga diiday qadashada shilinka Soomaaliga, taasi oo caqabad wayn ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.

Diidmada xooggan ee Shilinka Soomaaliga, ayaa loo sababeeyay in lacagtu noqotay mid duugowday, waxaa la arkayay qaar ka mid ah harqaanleyaasha oo sida dharka oo kale u tolaya lacagta go’go’an ee Shilin Soomaaliga.

Dadka gaadiidka raacaya, kuwa ka cunteynaya maqaayadaha magaalada muqdisho , kuwa u dukaameysi tagaya xarumaha ganacsiga iyo kuwa kale, ayaa sheegay inay si isku mid ah loo waydiinayayainay wataan lacagaha danabeysan ama Dollarka, haddii uu qofku dhaho waxaan haystaa lacagta Shilin Soomaaligana dib ayaa loo celinayaa sidaas waxaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Dadka ku nool magaalada muqdisho.

Marka laga soo tago in tallaabadan ay caqabad wayn ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, waxaa dhanka kale ku hanti beelay ganacsato, ilo wareedyo, ayaa sheegay in dadka uu go’aankan saameeyay ay ka mid ah sarrifleyaasha ka howlgala Muqdisho.

Tallaabada ay gacantada Muqdisho ku joojiyeen isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, gaar ahaan tan kunka Shilin oo laga isticmaalayay qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxaa si isku mid ah cabasho uga muujiyay qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Magaalada Muqdisho waxay ka mid aheed goobaha ay ku dambeysay isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga, go’aanka diidmada lacagta ayaa sidoo kale ka dhaqan galay degmada Jowhar, lacagta Shilin Soomaaliga ayaan hadda ka shaqayn inta badan dalka, laga soo billaabo dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Puntland ilaa Beledweyne, ayaa horay uga guuray isticmaalkeeda, waxayna tani si wayn u saamayn doontaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul oo si wayn u isticmaali jiray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here