Home WARARKA Maamulka Gobolka Banaadir oo hakiyay hawlaha dhul Bur -burinta Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir oo hakiyay hawlaha dhul Bur -burinta Muqdisho

2
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aanno cusub oo si ku-meel-gaar ah u saameynaya howlaha dib-u-habeynta dhulalka caasimadda Muqdisho, kadib cabashooyin xooggan oo ka yimid shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyinka magaalada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa warbaahinta u akhriyay go’aano rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Go’aanadaan ayaa lagu sheegay in ay ku timid fulinta amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo si gaar ah loo tixgeliyay cabashooyinka shacabka ee la xiriira howlaha dhul-bixinta iyo dib-u-habeynta caasimadda.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in Wareegtada  kasoo baxday Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan howlaha fulinta, baneynta iyo furista waddooyinka ee ka socda dhulalka caasimadda, Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir na lagu amray in uu si degdeg ah u dhaqan geliyo go’aankan.

Sidoo kale, waxaa uu xusay Afhayeenka in la magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban khubaro dhul, sharci-yaqaanno, culimo diini ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, kuwaas oo loo xil saaray in ay si qoto dheer u baaraan cabashooyinka shacabka iyo dukumeentiyada ay haystaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in guddigu uu si toos ah u wareysan doono dadka cabanaya, isla markaana uu diyaarin doono warbixin dhameystiran oo loo gudbin doono Duqa Muqdisho, si go’aanno maamul oo rasmi ah looga gaaro xaaladda taagan.

Guddiga waxaa hoggaaminaya Dr. Xasan Maxamed Cumar (Guddoomiye), halka xubnaha kale ay ka mid yihiin Dr. Cabdishakuur Ibraahim Cabdi, Eng. Maxamed Xasan Cumar, Eng. Cumar Cali Geedi, Sheekh Yuusuf Tuur Xume, Sheekh Aadan Macalin Abuukar Sheekh Suufi Yare, Maxamuud Cabdilbari Sheekh Ibraahim, Dr. Faadumo Maxamed Cali, iyo Maxamed Cabdullaahi Abuubakar oo ah xoghayaha guddiga.

“Maamulka Gobolka Banaadir, oo kaashanaya Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in la dardargelin doono qorshe lagu siinayo dhul, dhismo iyo dib-u-dejin dadka barakacay iyo kuwa ay saameeyeen mashruucyada dib-u-habeynta dhulalka danta guud ee Muqdisho.” ayuu yiri afhayeen Saalax

Afhayeenka ayaa ugu dambeeyn xusay in maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay ka jawaabista cabashooyinka shacabka, isagoo xusay in sidoo kale mudnaan gaar ah la siinayo horumarinta iyo dib-u-dhiska caasimadda Muqdisho, oo uu sheegay inay mareyso “heer soo kabasho oo muhiim ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here