Home WARARKA Madaxweynaha Israa’iil oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Somaliland ee Israa’iil

Madaxweynaha Israa’iil oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Somaliland ee Israa’iil

3
0

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxamed Hagi), kaas oo noqday safiirkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu metela Somaliland dal xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Munaasibadda lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Qudus ayuu madaxweynuhu kaga Guddoomay waraaqaha danjirenimo Danjire Maxamed Hagi. Madaxweyne Isaac Herzog ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabbilaadda safiirka cusub ee Somaliland, isaga oo tilmaamay in xidhiidhka cusub ee labada dhinac uu horseedi doono iskaashi dhinacyo badan leh.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan qaabbilo safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Maxamed Xaaji, oo saaka iisoo gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed,” ayuu yidhi Madaxweyne Herzog.

Waxa uu sidoo kale xusay in safiirku bogaadiyay heesta calanka Somaliland oo markii ugu horaysay laga qaaday ka qaaday Guddaha waddanka Israa’iil. “Iskaashigan cusub ee muhiimka ah ee ka dhexeeya dalalkeenna waxa uu horseedi doonaa mustaqbal wadajir ah oo dhinacyo badan ah, oo ay ka faa’iidaysan doonaan labada shacab iyo guud ahaan gobolka,” ayuu raaciyay hadalkiisa Madaxweynahu.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa munaasibaddan ku tilmaantay “guul taariikhi ah” oo ka tarjumaysa koboca xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gudbinta waraaqaha aqoonsigu ay si rasmi ah u muujinayso furitaanka ergada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Israa’iil iyo xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dhinac.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Somaliland ay dadaal ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah iyo inay ballaadhiso xidhiidhada ay la leedahay dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here