Home WARARKA Madaxweynaha Puntland: “Dastuur ay malmalooqayaan Xasan Sheikh iyo Aadan Madoobe ma noqon...

Madaxweynaha Puntland: “Dastuur ay malmalooqayaan Xasan Sheikh iyo Aadan Madoobe ma noqon karo mid ummaddu wada leedahay”

1
0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay kulan magalada Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah bulshada gobolka Banaadir, ayaa si kulul uga hadlay wax ka beddelka dastuurka federaalka, isaga oo su’aal geliyay cidda uu u adeegayo dastuurka uu sheegay in wax laga badalayo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dastuurkan aan lagu khasbi karin shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay arkaan in dastuurkaasi uu u muuqdo mid ay si gaar ah ugu danaynaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh  Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe.

“Waxaan ogahay in Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe uu dastuur u noqonayo. Cid kale oo uu u noqonayo ma garanayo,” ayuu yiri madaxweyne Deni, isagoo adkeeyay in wixii hore loogu heshiiyay lagu sii dhaqmo ilaa heshiis buuxa laga gaarayo.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ka digay in tallaabo kasta oo aan wada-tashi ku dhisnayn ay khatar gelin karto midnimada iyo xasilloonida dalka, isagoo sheegay in federaalka lagu ilaaliyo heshiis iyo wada-ogol.

Dhanka kale, wuxuu bogaadiyay xubnaha Golaha Mustaqbal, isaga oo ku ammaanay doorkooda ku aaddan ka shaqeynta nabadda iyo ka hortagga burburka.

“Inta dagaalka iyo burburka ka cararaysa waa Golaha Mustaqbal,” ayuu yiri, isagoo xusay in guul kasta oo laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay ay noqon doonto mid ay wada leeyihiin dhammaan dhinacyadu.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay rajo ah in haddii dadaallada socda ay guuleystaan, ay ka wada shaqeyn doonaan samatabixinta dalka, isagoo ku celiyay in masiirka Soomaaliya uu ku xirnaan doono wada-tashi iyo is-afgarad dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa hadalkan sheegay xilli uu magaalada Muqdisho ka socdo wada xaajood u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo aan weli lagu gaarin wax heshiis ah, lagana cabsi qabo inuu ku soo dhamaado natiijo la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here