Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qaybgalayo caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo la qorsheeyay in ay dhacdo 12-ka May 2026.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu shalay ka soo laabtay magaalada Jabuuti, halkaas oo uu kaga qaybgalay caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaïl Omar Guelleh. Ka qaybgalkaas ayaa ka mid ahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Geeska Afrika.
Intii uu ku sugnaa Jabuuti, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay xafladda, iyadoo laga wada hadlay xoojinta iskaashiga gobolka, gaar ahaan amniga, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha. Safarkaas ayaa sidoo kale loo arkay mid sii xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Si kastaba, safarka hadda ee Kampala ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo labada dal ay wadaagaan iskaashi muhiim ah oo ku saabsan amniga gobolka, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taageerada ciidamada Uganda ee ku sugan dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo madax kale oo gobolka ah si loo sii ambaqaado wada shaqeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika.



