War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay wadahadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, waxa ay bogaadisay hannaanka wadahadalka labada dhinac iyada oo ku boorisay in ay isu tanaasulaan.
Qoraalka ayaa lagu muujiyay in wadahadalka uu adag yahay sidaas awgeed arrinta miiska saaran oo ah geeddi socodka Dalka loo baahan yahay in la xoojiyo bisaylka siyaasadeed ee lagu gaari karo natiijada muhiimka ah ee wadaxaajoodka.
“Wadahadalka iyo isu tanaasulku waa adag yihiin balse waa lama huraan, waxaana ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan ku dadaalidda arrimahaas. Geeddi-socod siyaasadeed oo Soomaaliyeed oo mideysan wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiyaa dowladnimada, isla markaana hormariyaa waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaaliya iyo beesha caalamka” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa meel ku dhig ku kala noqday qodobo kamid ah kuwii shalay miiska lasoo dhigay waxaana maanta jirin kulamo toos ah, waxaa socda kuwo gaar gaar ah si looga hortago in wadahadalku uu burburo.



