Maxkamadda Federaalka ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa maanta xukun adag ku ridday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambi la xiriira afduub sababay dhimasho.
Mahamud Tooxoow Maxamed, oo 44 jir ah, ayaa Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Maraykanka, Megan B. Benton, waxay ku xukuntay 30 sano oo xabsi federaal ah, ka dib markii lagu helay dambiga afduubka iyo dilka haweeney lagu magacaabi jiray J.M.
Sida ku cad dukumiintiyada maxkamadda, meydka J.M. ayaa la helay 29-kii Luulyo, 2019, ka dib markii lagu tuurey god ku yaalla dhinaca waddada weyn ee Missouri Highway 59.
Baaritaan lagu sameeyay hidda-sidaha DNA ayaa xaqiijiyay in dhiigga J.M. laga helay agabyo kala duwan oo laga dhex helay gaaray wada isticmaali jireen eedeysanaha iyo dhibbanaha.
J.M. ayaa markii ugu dambeysay ee nolosha lagu arko waxay ahayd 16-kii Luulyo, 2019. Maalintaas, waxay khadka degdega ah ee 911 u sheegtay in Mahamud uu mindi ku hayo, isna dayay inuu si qasab ah ula galmoodo.
Waxay sidoo kale muujisay walaac xooggan oo ku aaddan badqabka saddexdeeda carruur ah oo xilligaas guriga kula jiray eedeysanaha.
Maalin ka dib, 17-kii Luulyo, 2019, waxaa la soo sheegay inay maqan yihiin J.M. iyo carruurteedaba. Carruurta ayaa markii dambe laga helay guri ku yaalla magaalada Des Moines ee gobolka Iowa, 8-dii Agoosto, 2019.
Ka dib markii uu carruurta uga tagay gobolka Iowa, Mahamud Tooxoow Mahamed ayaa ka baxsaday dalka Maraykanka.
Wuxuu aaday dalka Guatemala illaa laga helay, isagoo laamaha Amniga Mareykanka gacanta u galay 27-kii Luulyo, 2021.
Kiiskan waxaa dacwad-ooge ka ahaa Kaaliyaha Garyaqaanka Maraykanka Ami Harshad Miller, waxaana baaritaanka iska kaashaday hay’adda FBI-da iyo waaxaha booliska ee magaalooyinka McDonald County, Rochester, iyo Des Moines.



