Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxaa lasoo taagay Rag u dhashay Itoobiya oo la sheegay in ay katirsan yihiin kuwaas oo ciidamo katirsan Kuwa Sirdoonka Soomaaliya ay kusoo qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay DG Koofur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydahbo.
Eed ka dhan ah Raggaan oo labo ruux ah ayaa laga hor jeediyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyada oo lagu lifaaqay dagaallo la sheegay in ay ka qaybgaleen, tababarro ay qaateen iyo waqtigii ay Dalka soo galeen.
Magacyadooda ayaa lagu sheegay Xamsa Ibraahim Cali Abuu Irshaad & Nasri Cabdiraxmaan Cali Abuu Safiya, waxaana ay ku dhasheen Magaalada Harar ee Dalka Itoobiya, waxa ay si wanaagsan u garanayaan ku hadalka Afka Soomaaliga.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dalbaday in la xukumo Xamsa & Nasri si ay kahortag ugu noqoto Dadka kale ee doonaya in ay ku biiraan ‘AS’ sidoo kalena looga hortago halista ay ku yihiin Amniga sida hadalka loo dhigay.
Qareenka Difaacaya Labada Eedeysane ayaa Maxkamadda kahor sheegay in aysan u cuksan qodobada lagu soo eedeeyay oo ah kuwo ku culus muwakiliintiisa, waxa uu dalbaday in dib loogu celiyo Dalkooda Hooyo si ay dib ula midoobaan ehelkooda.
Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in ay go’aan kasoo gaarayso garmaqalka labada eedeysane ee la xiriira eedeynta Xafiiska Xeer ilaalinta iyo difaaca Qareenkooda dibna kasoo shaacin doonto.



