Home WARARKA Maxkamadda Sare ee CQS oo amartay in Caafimaad Dibadda ah loo raadiyo...

Maxkamadda Sare ee CQS oo amartay in Caafimaad Dibadda ah loo raadiyo Sarkaal naafo ku noqday qarax loo dhigay

3
0

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa amartay in daryeel Caafimaad oo dibadda ah loo diro Kormeere Saddexaad Calasow Hiraabe Cali oo ah Sarkaal katirsan ciidanka Booliiska gaar ahaan kuwa Jakboontiyada guurguura oo naafo ku noqday qarax haleelay gaari uu la socday xili uu ku jiray howlgallo amni sugid ah sida hadalka loo dhigay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida, Janaraal Liibaan Cali Yaroow oo qaaday kiiska loo haysto Rag  ku eedeeysan in ay ka dambeeyeen qaraxa loo dhigay Gaariga Booliiska ah ayaa gunaanadkii waxa uu Wasaaradda Amniga, Taliska Booliiska & Gobolka Banaadir uu faray in ay qaataan kaalinta daryeel ee sarkaalkaan.

Calasow Hiraabe oo Maxkamadda kahor hadlay waxna laga weydiiyay sida dhibaatadu usoo gaartay ayaa sheegay in caafimaadkiisa dalka gudihiisa wax looga qaban waayay, markii la geeyay Hindiya loo awoodi waayay in dalkaas lagu sii hayo sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha ku baxaya caafimaadkiisa.

Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in sarkaalkaan uu u dhaawacmay isaga oo naftiisa u huray Dalkiisa iyo Dadkiisa kana hor tagayay hoobiyeyaal caasimadda ku dhacayay balse loo dhigay miino sidaasina uu ku dhaawacmay, waxa uu Saddexda Hay’ad uu faray in si buuxda ay u qaataan mas’uuliyadda daryeelkiisa.

“Sarkaal xigeenka magaciisa la yiraahdo Calasow Hiraabe oo dhaawac soo gaaray isaga oo u shaqaynaya qarankiisa oo weliba naafo noqday oo aan wax qabsan Karin waxaa Wasaaradda Amniga, Taliska Booliiska & Gobolka Banaadir in ay wax u qabtaan” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS, Janaraal Liibaan Cali Yaroow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here