Home WARARKA Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka oo Kulan Wada Tashi ah ku Yeeshay Muqdisho

Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka oo Kulan Wada Tashi ah ku Yeeshay Muqdisho

4
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan siyaasadeed, kaas oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee beelah Hawiye, si ay uga arrinsadaan xaaladda guud ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Roble, xildhibaano, iyo xubno kale oo ka tirsan garabka mucaaradka.

Sidoo kale, kulanka waxaa goob joog ka ah odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye, kuwaas oo sheegay in doorkoodu yahay fududeynta wadahadal siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, si loo yareeyo khilaafaadka jira loona helo xal siyaasadeed oo wadajir ah.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, ayaa warbaahinta u sheegay in dalka uu u baahan yahay “badbaado qaran,” isagoo si adag u dhaliilay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kuna baaqay in la helo hannaan degdeg ah oo lagu xasiliyo xaaladda.

Dhinaca kale, mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada shirku ay tahay “furitaanka wadahadal u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka,” isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan jirin dhinac ay la safan yihiin, balse ay doonayaan xal nabadeed oo lagu heshiiyo.

Mucaaradka ayaa sidoo kale bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan waqtiga kala guurka doorashada, iyagoo qaba in muddo xileedka Madaxweynaha uu dhammaanayo 15-ka May 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here