Home WARARKA Muqdisho iyo Tacaddiyada Shacabka: Halkee Ku Dambeeyay Isla-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda?

Muqdisho iyo Tacaddiyada Shacabka: Halkee Ku Dambeeyay Isla-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda?

2
0

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe isa soo tarayay cabashooyinka shacabka ee la xiriira xarig, garaacis, cabsi-gelin iyo tacaddiyo kale oo lagu eedeeyo qaar ka mid ah ciidamada iyo hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa qaba in hay’adaha loogu talagalay ilaalinta xuquuqda aadanaha aysan si ku filan uga hadlin dhacdooyinka noocan ah, isla markaana aysan muuqan isla-xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo saraakiisha ama ciidamada lagu eedeeyo inay shacabka dhibaateeyeen.

Dooddan ayaa mar kale soo xoogeysatay kadib dhacdo lagu sheegay in gabar caan ka ah baraha bulshada lagu weeraray gurigeeda oo ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dhacdadan waxay dib u soo celisay dood hore uga taagnayd Muqdisho oo ku saabsan sida loola xisaabtami karo ciidamada dowladda marka lagu eedeeyo inay shacabka ku xadgudbeen.

Muqdisho waxaa ka jira cabashooyin badan oo ku saabsan habka ciidamada amniga qaarkood ula dhaqmaan shacabka.

Qaar ka mid ah dadka magaalada ayaa sheegaya inay la kulmaan xarig aan si cad loo sharxin, baaritaanno xoog ah, garaacis ama hanjabaado marka ay isku dayaan inay ka hadlaan arrimo ay dowladda ku dhaliilayaan.

Waxaa sidoo kale jira walaac la xiriira dadka isticmaala baraha bulshada. Dad badan ayaa maanta Facebook, TikTok iyo YouTube u isticmaala inay kaga hadlaan arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhibaatooyinka ay dadka caadiga ahi la kulmaan.

Marka qof ka hadlo guryaha la dumiyay, canshuuraha, shaqo la’aanta, amniga ama adeegyada dowladda, mararka qaar waxaa soo baxa walaac ah in hadalkiisa uu sababi karo xarig ama cadaadis.

Tani waxay dhalisay su’aal muhiim ah oo ku saabsan xadka u dhexeeya ilaalinta amniga qaranka iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.

Mid ka mid ah kiisaska waaweyn ee dhawaan soo baxay waa kiiska Sadia Moalim Ali, oo ah haweeney Soomaaliyeed oo baraha bulshada kaga hadli jirtay arrimo siyaasadeed iyo kuwa bulshada.

Amnesty International ayaa sheegtay in Sadia la xiray Abriil 2026, iyadoo lagu eedeeyay arrimo la xiriira hadalladeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda. Waxaa markii dambe lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, balse maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay xukunkii, waxaana la sii daayay Agoosto 2026.

Sadia waxay sheegtay in intii ay xabsiga ku jirtay loo geystay garaacis iyo tacaddiyo kale. Eedeymahaas waxaa qoray Amnesty International iyo warbaahin caalami ah.

Kiiskani wuxuu noqday tusaale ay dadka u dooda xuquuqda aadanaha u adeegsanayaan doodda ku saabsan xorriyadda hadalka iyo sida dowladda ula dhaqanto dadka dhaliila.

Saxafiyiinta oo iyaguna cabasho qaba.Dhibaatadu kuma koobna dadka caadiga ah ama dadka baraha bulshada isticmaala.

Haddii saxafi uu tabinayo dad guryahooda laga saarayo, shaqadiisu waa inuu bulshada tuso waxa dhacaya. Haddii ciidamada ama saraakiisha ay saxafiyiinta ka hor istaagaan shaqadooda, waxaa adkaanaysa in shacabka ay helaan xog madax-bannaan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha maxaa laga doonayaa?Soomaaliya waxay leedahay Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo loo abuuray ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Inkastoo ay jiraan dhaliilo ah in leysku raacsaneen.

Guddiga waxaa laga doonayaa inuu qaabilo cabashooyinka shacabka, baaro xadgudubyada iyo inuu dowladda ku cadaadiyo in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta.

Laakiin dadka dhaliila nidaamka hadda jira waxay qabaan in hay’adaha xuquuqda aadanaha aysan ku ekaan inay dhacdooyinka cambaareeyaan marka ay warbaahinta soo galaan.

Waxay doonayaan in marka tacaddi la soo sheego la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo dhab ah, dhibbanaha iyo markhaatiyaashana lala hadlo, caddaymahana la ilaaliyo. Haddii baaritaanku muujiyo in sarkaal ama askari ku lug lahaa tacaddi, kiiska waa in loo gudbiyaa hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Mararka qaar marka laga hadlo tacaddiyada ay ciidamada dowladda geystaan, waxaa laga yaabaa in loo fahmo in dadka dhaliilaya ciidamada ay doonayaan in la wiiqo hay’adaha amniga.

Laakiin labada arrimood waa kala duwan yihiin,Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan xoog leh oo awood u leh inuu ilaaliyo shacabka iyo dalka. Laakiin ciidan xoog leh waa inuu sidoo kale noqdaa ciidan sharciga ku shaqeeya.

Askari ama sarkaal haddii uu awoodda dowladda u isticmaalo inuu qof ku garaaco, ku cabsi geliyo ama si sharci-darro ah u xiro, waa in la baaro.

Haddii aan la baarin, dhibaatadu kuma eka qofka la dhibay. Waxay dhaawacaysaa sumcadda hay’adda oo dhan.

Xorriyadda hadalka iyo baraha bulshada,Baraha bulshada ayaa si weyn u beddelay sida Soomaalidu u cabbirto fikirkeeda.

Qof aan lahayn warbaahin rasmi ah ayaa maanta malaayiin qof gaarsiin kara muuqaal ama qoraal. Tani waxay siisay shacabka fursad ay kaga hadlaan arrimo aan mararka qaar si fudud looga soo gudbin jirin warbaahinta dhaqanka.

Laakiin baraha bulshada waxay leeyihiin dhinac kale. Xog aan la xaqiijin ayaa si degdeg ah u faafi karta, qofna waxaa lagu eedeyn karaa wax uusan samayn.

Sidaas darteed, dowladda iyo shacabka labadaba waxaa saaran masuuliyad. Dowladda waa inay ilaalisaa xorriyadda hadalka, halka dadka isticmaala baraha bulshaduna ay tahay inay kala saaraan war, eedeyn iyo xaqiiqo la xaqiijiyay.

Dhacdada Boondheere iyo su’aalaha taagan,Dhacdada lagu sheegay in haweeney caan ka ah baraha bulshada lagu weeraray gurigeeda Boondheere waxay mar kale soo celisay doodda ku saabsan amniga iyo xorriyadda dadka Muqdisho.

Haddii baaritaan lagu ogaado in ciidamada dowladda ama saraakiil dowladeed ay ku lug lahaayeen, waxaa muhiim ah in dowladda aysan ku ekaan hadal ama cambaareyn.

Waxaa loo baahan yahay in baaritaan cad la sameeyo, natiijadana shacabka loo sheego. Haddii eedeymaha aan la xaqiijin, taasna waa in si cad loo sheego.

Habkaas ayaa ah kan ugu fiican ee looga fogaan karo in dhacdo kasta ay isu beddesho eedeyn siyaasadeed ama xog aan la hubin.

Dowladda maxaa looga baahan yahay?Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay si cad u muujiso in sharcigu ka sarreeyo qof kasta.

Haddii askari ama sarkaal lagu eedeeyo tacaddi, waa inuu helo baaritaan cadaalad ah. Haddii dambiga lagu caddeeyo, waa in sharciga la mariyaa. Haddii eedeyntu noqoto mid aan caddayn lahayn, qofka lagu eedeeyayna waa in magaciisa iyo xuquuqdiisa la ilaaliyo.

Sidoo kale, shacabka waa inay awoodaan inay cabasho ka gudbiyaan ciidamada iyagoo aan ka baqayn aargoosi ama cadaadis.

Dhibaatada ugu weyn ee ka dhalan karta tacaddiyada la sheegay ma aha oo keliya dhaawaca qofka.

Waxa ka weyn waa kalsoonida shacabka ee dowladda,Marka muwaadin uu aaminsan yahay in askari ama sarkaal uusan sharciga ka baqayn, kalsoonida dowladda way hoos u dhacaysaa.

Laakiin marka muwaadin uu arko in sarkaal awood leh oo lagu eedeeyay tacaddi loo qaaday baaritaan iyo maxkamad, waxaa kor u kacaya kalsoonida hay’adaha dowladda.

Ugu dambayn, dowladnimada dhabta ahi ma aha oo keliya in dowladda ay awood u leedahay inay shacabka ilaaliso. Dowladnimada dhabta ahi waa in shacabka ay sidoo kale awoodaan inay dowladda ka dalbadaan isla-xisaabtan. :::

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here