Home WARARKA Qaramada Midoobay oo ka xumaatay wadahadalladii Dowladda iyo mucaaradka ee Natiijo La’aanta...

Qaramada Midoobay oo ka xumaatay wadahadalladii Dowladda iyo mucaaradka ee Natiijo La’aanta kusoo Dhammaaday

5
0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka xun tahay in wadahadalladii siyaasadeed ee u dhexeeyay dhinacyada Soomaalida ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, inkastoo dib loo bilaabay wada-hadalladaasi intii u dhaxaysay 13 illaa 15-ka May.

Bayaan ay soo saartay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayay ku ammaantay dhinacyada dib u furay wadahadallada, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah doorkii ay ka qaateen taageeridda kulamadaasi.

UNTMIS ayaa sheegtay inay wax laga xumaado tahay in aan weli xal laga gaarin khilaafaadyadii jiray, balse waxay xustay in dhinacyadu muujiyeen go’aan ay ku sii wadaan wada-hadallada iyo raadinta xal waara oo la isku raacsan yahay.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad kala-guur ah, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mudnaanta siiso wadatashi loo dhan yahay oo lala yeesho dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, si loo helo hannaan doorasho oo hirgeli kara isla markaana mideyn kara shacabka Soomaaliyeed.

UNTMIS ayaa sidoo kale ugu baaqday Soomaalida inay iska kaashadaan wax ka qabashada xaaladda bini’aadantinimo ee adag iyo khatarta amni ee ka dhalatay weerarrada kooxaha argagixisada.

Ad

Qaramada Midoobay waxay ugu dambeyn ku baaqday is-xakamayn iyo in laga fogaado tallaabooyin sii hurin kara kala-qaybsanaanta siyaasadeed, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here