Dowladda Qatar ayaa ku baaqday in Soomaaliya loo sii wado taageerada farsamo iyo dhismaha hay’adaha, gaar ahaan dhinaca xuquuqda aadanaha, iyadoo sheegtay in taageerada noocaas ah ay muhiim u tahay xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha qaranka.
Baaqan ayaa ka soo baxay hadal uu magaalada Geneva ka jeediyay Cabdiraxmaan bin Maxamed Fakhro, ku-simaha madaxa ergada joogtada ah ee Qatar u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Geneva, xilli uu ka qaybgalayay dood ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo warbixinnada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha.
Fakhro ayaa sheegay in Qatar ay taageersan tahay dadaallada Soomaaliya loogu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada caalamku sii waddo taageerada ay siiso qorshayaasha iyo dadaallada qaran ee Soomaaliya.
Wakiilka Qatar ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado dhinacyo badan leh oo saameyn ku leh amniga, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale.
Sida uu sheegay, xaaladda Soomaaliya waxay u baahan tahay taageero caalami ah oo joogto ah, gaar ahaan marka la eego dadaallada dowladda ay ku doonayso inay ku xoojiso hay’adaha qaranka, ilaalinta xuquuqda shacabka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.



