Home WARARKA QM oo madaxdii hore ee Dowladda Soomaaliya & Mucaaradka ugu baaqday...

QM oo madaxdii hore ee Dowladda Soomaaliya & Mucaaradka ugu baaqday in ay sii wadaan wadahadalkooda

2
0
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xoghaye Antonio Guterres uu si dhow uga warqabo ula socdo xaaladda Soomaaliya, waxa uu Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ku bogaadiyay in ay sii wadaan wadahadalkooda.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirragelisay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka in si natiijo wanaagsan lagu gaari karo in ay uga wadahadlaan xaaladda Dalka gaar ahaan qodobada miiska saaran ee labada dhinac isku khilaafsan yihiin.

Waxaa socda dedaallo ay wadaan xubno katirsan Beesha Caalamka si markale fursad loo siiyo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo todobaadkii tagay dhammaadkiisa ku kala tagay wadahadalladii maalmaha u socday.

War kan lamid ah balse ka horreeyay waxa uu kasoo yeeray Midowga Yurub, waxaana Madaxda Dowladda iyo Madasha Mucaaradka ay ku Midaysan yihiin lagu hordhigay codsi la xiriira sii wadista wadaxaajoodkooda si daacadnimo ku dheehan tahay oo guul lagu soo afjaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here