Home WARARKA Rasaas lagu furay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku sugnayd Beledweyne

Rasaas lagu furay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku sugnayd Beledweyne

2
0

Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay (UN) ayaa rasaas lagu furay galabtii Arbacada, xilli ay ku sugneyd xarunta Qaramada Midoobay ee Ceel-Jaalle, oo ku dhex taalla xayndaabka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan gudaha xayndaabka garoonka ay rasaas ku fureen diyaaradda qumaatiga u kacda ee UN-ka, kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wasaaradda ayaa sheegtay in rasaasta ay ku dhacday garabka diyaaradda, taas oo muujineysa xaaladda amni ee ka taagan agagaarka garoonka iyo walaaca laga qabo badqabka diyaaradaha iyo shaqaalaha ka howlgala magaalada Beledweyne.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle, Faarax Maxamed Cusmaan, ayaa qoraalka wasaaradda ku sheegay in dhacdadan ay ka dhacday gudaha xayndaabka garoonka, isagoo walaac ka muujiyay joogitaanka maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan agagaarka xarumaha garoonka.

Wasaaraddu ma aysan shaacin in weerarka diyaaradda uu sababay dhaawac ama dhimasho, sidoo kale lama faahfaahin heerka waxyeellada farsamo ee diyaaradda kasoo gaartay rasaasta lagu furay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan tahay xiisad amni oo la xiriirta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kaas oo dhowaan ay ka dhaceen iska horimaadyo u dhexeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Iska horimaadyadii hore ayaa sababay in garoonka la hakiyo, iyadoo markii dambe la isku dayay in dib loo furo kadib wadahadallo ay yeesheen mas’uuliyiin, xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada AUSSOM. Si kastaba, xaaladda amni ayaa weli ah mid walaac laga muujinayo.

Hakinta duulimaadyada garoonka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay isu-socodka dadka, gaadiidka cirka iyo adeegyada kala duwan ee magaalada Beledweyne, iyadoo garoonka Ugaas Khaliif uu yahay xarun muhiim u ah isku xirka magaalada iyo Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka.

Rasaasta lagu furay diyaaradda Qaramada Midoobay ayaa sii kordhin karta walaaca laga qabo amniga duulimaadyada ka howlgala Beledweyne, gaar ahaan iyadoo garoonka iyo agagaarkiisa ay ka jiraan muranno amni iyo isku dhacyo hubeysan.

Dhacdadan ayaa sidoo kale dhalin karta su’aalo ku saabsan ilaalinta xarumaha ay isticmaalaan hay’adaha caalamiga ah iyo diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood fulinaya adeegyo gargaar, taageero iyo howlo la xiriira hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ilaa hadda ma jiro war faahfaahsan oo dheeraad ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay oo si rasmi ah uga hadlay dhacdadan, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka, waxyeellada diyaaradda iyo tallaabooyinka laga qaadayo dhinacyada ku lugta leh.

May be an image of helicopter and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here