Home WARARKA RW Ku-xigeenka DF oo laga soo celiyey Garoonka Jomo Kenyatta Nairobi

RW Ku-xigeenka DF oo laga soo celiyey Garoonka Jomo Kenyatta Nairobi

2
0

Laanta Socdaalka Kenya ayaa dib ugu soo celisay magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kaddib dhacdo ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi.

Jibriil ayaa laga hakiyey habraacyada socdaalka xilli uu ku sugnaa garoonka, iyadoo saraakiisha socdaalka Kenya ay ku doodeen inuu watay baasaboor Kenyan ah oo aan waafaqsanayn shuruucda socdaalka ama uu si sharci darro ah u isticmaalayey.

Wararku waxay tilmaamayaan in saraakiisha amniga garoonka ay ka dalbadeen inuu ku wareejiyo baasaboorkaasi si baaritaan loogu sameeyo, hase yeeshee la sheegay inuu diiday inuu bixiyo dukumentigaas. Arrintaasi ayaa keentay in maamulka socdaalka Kenya uu go’aan ku gaaro in loo diido sii wadista safarkiisa, islamarkaana dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ama Dowladda Kenya oo xaqiijinaya ama faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya dhacdadan iyo sababaha dhabta ah ee loo hakiyey safarkiisa.

Sidoo kale, lama oga halka uu ku sii jeeday Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo in tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ay la xiriirtay arrimo socdaal oo keliya ama ay jiraan baaritaanno kale oo socda.

Dhacdadan waxay noqon kartaa arrin dhalin karta su’aalo ku saabsan habraacyada socdaalka, isticmaalka dukumentiyada safarka, iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee dhinaca socdaalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa la sugayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay labada dowladood ama xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ka soo saaraan war rasmi ah oo caddeynaya xaqiiqada dhacdadan iyo wixii ka dambeeyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here